Jubba-land oo dhisantaa waxay horseedaysaa ifafaalo dowladnimo!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Maarso 28 2013
“Lix tiir oo muhiim ah baa dowladayda u qorshaysan oo ay Muhimadda kowaad siinaysaa…72degmo ayeey mid kasta 5mashruuc ka hir gelinaysaa intuusan sanadka dhammaan…” Marka taas bedelkeeda annagaa maamul idin soo dhisayna miyaa, mashaariicduse madax-weynaha soo ma oga inaysan ahayn wax isaga laga baryayo! Waxuba Waa Illintii Yaxaaska!
Waxyabaha ilaa intii ay inoo yimaadeen madaxda cusub ee dowladda federalka aan wali la yaabanahay waxaa ugu muhiimsan sida madax weynaha dowladda ugu mashquulay inuu awood iyo amar yeesho isagoo waliba aan wax qaynuun ah u fiirinayn, dad badan oo ka mid ah mas’uuliyiinta la wadaag taladana uusan innaba ha yaraatee waxba uga hambayn ilaa ay qaarkood naanaysyo lagu liidayo loogu yeeray, fikirka noocaas ee uu la yimid Xasan SHiikh Max’ud madax-weynaha aysan golihii doortay kuu sheegi karin sababta ay u doorteen ayaad moodaa inuu dalkii u jiheeyay soo noolaynta colaadihii iyo dhibaato lays lahaa waa laga soo doogsanayaa.
Madax-weynaha, Xasan SHiikh Max’ud marka uu hadal jeedinayo waxaa ka muuqda inuu leeyahay “Adduunka ayaa I aqoonsaday iyagaana ii kiin cabiidinaya ee wax kale oo aan idinka rabo ma jirto” shaki iigama jiro kalsoonida uu beesha caalamka ku qabo weynaanteeda marka la fiiriyo in waxyaabo badan oo laga saxiixday oo innaga qarsoon ay jiraan, Xasan inuu iska qoslo oo iska faraxsanaado inta badan dadkana aysan ku faraxsanayn habka siyaasadeed ee uu wax ku wado macno kale ma yeelanayso, waana halka ay ciribta ku hayaan tuhumo badan oo siyaasiyiin Soomaalieed ay dareensanyihiin ama ay marar badan si cad carabka ugu dhuftaan, waase is-weydiinee maxaa laga saxiixday?!.. kolayba isagu wuxuu ku faraxsanyahay in la aqoonsaday kuwa lagu tuhunsanyahay inuu wax u saxiixayna in nin ay iyagu sharciyeeyeen wax ku sharciyeysanayaan!
Sida muuqata madax-weyne Xasan sidii dowladdii kacaanka ahayd wuxuu la shir yimid hadalo faan iyo ku dhisan awood sheegasho aan rukumo adag iyo xaqiiqda dalka ka jirta ku salaysnayn, waxaana muddadii yarayd ee awoodda hayay bilowday kala shakin faro badan, iyo in gobolo dalka ka mid ah oo isu soo dhowaansho fiican ay ka jirtay ay dib u kala xirtaan albaabada, sida ka muuqata ama laga fahmi karo dabeecadda siyaasadiisana ururo gaar ah iyo dad kooban oo ay isaga isku fikir yihiin buu talada la wadaagaa dadka kale oo dhanna wuxuu u arkaa inay yihiin dad aan talada dalka waxba ku lahayn, wuxuuna u egyahay nin iska dhaadhiciyay dowlad rasmi ah oo la aqoonsaday baad tahay marka xoog baad wax kasta ku fulin kartaa…Xoog!
Wuxuu iska hilmaansanyahay in dal lagu kala tegay , la fiiqday, la burburiyay, dhaqan ahaan, dad ahaan, oo cidla ah xilkiisii loo dhiibay. Wuxuusan garan oo uu ka booday sal-dhigga xoogga uu doonayo inuu sheegto inuu ku jiray raadinta iyo isu soo dumidda ummadda kala irdhowday.
Wuxuu iska indho tirayaa wixii la soo qabtay oo dhan, wuxuuna isu ekeysiinayaa nin heerka maanta la soo gaaray isaga dalka soo gaarsiiyay, wuxuu kaloo inkirayaa waliba si wajigiisa laga dheehan karo in Puntland iyo dowladihii isaga ka horeeyay ay hawlo adag oo dhib badan ka soo mareen heerka dalku soo gaaray, ayna mudanyihiin in abaalkooda xataa mar keliya uu afkiisa ka xuso.
Waxaa haboonaan lahayd Xasan iyo Barlamanka inay dadka u qeexaan ama u sheegaan nidaamka siyaasadeed ee dowladda, waxa in lagu heshiiyay guud ahaan ee la ogyahay waa laba arrin oo midood xilligeedu dhammaad yahay midna uu hadda dalka galayo, labadana dowladdu kuma dhaqanto markii lays qabqabsado oo muran iyo jikaar loo baahanyahay madax-weynaha laftiisaa si uu qiil u helo waa soo hadal qaadaa laakin kuma dhaqmo siyaasadiisana kama mid aha.
Waa midda kowaad nidaamka afarta beelood iyo barka oo isagu la dhamaanaya xilliga xukuumadda hadda jirta cidina kuma dhaqanto, laakiin mararka ay timaado in lays khilaafo ama wax laysku qabsado waad arkaysaa iyadoo la soo hadal qaadayo ama la hadal hayo, hasa yeeshee guud ahaan kama dhex muuqdo siyaasadda dalka, waxaadse arkaysaa in siyaasi kasta oo madax-weynuhu ugu horeeyo marka khilaaf jiro oo qiil ka raadinayo arrintaas, laakiin dowladdu sida loogu heshiiyay uguma dhaqanto barlamankana haba ugu horeeyo gudoomiyaha Jawaari shaqadiisa sharci ilaalinta ah ma hayo, mana fiiriyo in la dhaqan geliyay xeerkii afarta beelood iyo barka marka xilalka la qaybinayo, waxaana guud ahaan dabeecadda xil-dhibaannada la oran karaa waa mid ku salaysan Irmaan Waraabsi, oo si qof-qof ah bay danahooda gaarka ah dowladda uga qunsadaan iyagoo dhaafsanaya tii guud ee ummadda, mise waxay ina leeyihiin wax khaldan ma jiro?…
Midda labaad oo ah Federalismka uu dalka qaatay iyada madax-weynuhu waxay ku noqotay arrin uu liqi kari la’yahay, waxaadna moodaa in nidaamkii hore ee jiray (Centralization) ee awoodda siyaasaddu ku urursanayd gacanta dowladda dhexe oo keliya uu isaga jeclaan lahaa in dalka lagu dhaqo laakiin waxaan u malayniyaa inta uu isaga madax-weynaha yahay keliya inuu jeclaan lahaa!…. Siyaasad ahaana dowladdu kuma dhaqanto, baarlamaankana haba ugu horeeyo af-hayeenka Jawaari shaqadiisa sharci ilaalinta ah ma hayo, walina xil-dhibaannada barlamanka mar keliya dowladda ma aysan weydiin sababta ay gudoomiyeyaal gobolo u magacaabayso iyadoo laga sugayo dhismayaasha dowlad goboleedyo ku midooba dowladda Federalka ah, sababtu maxay tahay?… Irmaan Waraabsi!…Mise?!
Waxaa hadda dad badan oo dhaliilsan siyaasadda dowladda ay tuhunsanyihiin in madax-weynaha oo aad uga soo hor jeeda nidaamka la qaatay ee federalismka iyo af-hayeenka barlamanka oo isagu horay xubin uga ahaa guddi qorayay dastuurka Soomaaliya kana soo hor jeeday nidaamka federalka ah ay si wada jir ah isaga iyo madax-weynaha ugu mashquulsanyihiin inay bedelaad buuxda ku sameeyaan dastuurka lagu soo heshiiyay iyagoo ku gabbanaya in meelaha qaarkood ay ku sameyniyaan erey bixin, waxa ugu weyn ee hadda dastuurka loo falanqayniyana ay tahay maxaan qiil ka dhigannaa si aan dastuurka u bedelno.
Xagee baa laynoo sitaa? Maalin kasta haddii uu imaanayo madax-weyne ama waziir ama xil-dhibaan ciil qab ku soo raagay oo uu dooonayo inuu ka aar guto kuwii uu u ciil qabay oo ay taageeraan kuwo sokeeyenimo ugu hiilanaya maxaa la gaarayaa?!…maanshe ciyaalka yiraahde “CIIL QABOW CADAABTII GAL!” illeen waxay ka yaabaan bay arkeen! Hogaanka dowladda oo madax-weynaha ah ilaa iyo hadda nidaamka uu ku socdo waa mid aan shaqo ku lahayn wax kasta oo lagu soo heshiiyay.
Maxay ku salaysanyihiin oo sharci ah ama qaynuun ah oo uu ku dhisay guddoomiyeyaasha uu magacaabay ra’iisal wazaare Cabdi SHir-doon ee uu ka sameeyay gobollada dhexe iyo gobolka Hiiraan?! Mise dareentay awoodda loo xeeladeeyay gudoomiyaha baarlamanka si uu u magacaabo guddomiyaha gobolka Bay, waxyaabo badan oo garab marsan anshaxa hoggaaminta ummadda, “…Aniga Safar Baan Galayaa, Adiga Ku-simihii Madax-weynaha Ayaad Tahay Guddoomiyihii Gobolka Bay Sii Magacow Oo saxiix !” aawayse waziirkii arrimaha gudaha muxuu qabtaa isagu? Safarada ayuu ra’iisal wazaaraha ku wehliyaa miyaa?… Marqaati mise ilaalo?! Wali dhaqankii jabhadaynta iyo askarnimada, asluubtaas dowladnimada kama mid aha.
Gal-Mudug iyo Ximin iyo Xeeb xiisad siyaasadeed oo aan horay u jirin baa laga abuuray, waxaa la dhiiri geliyay inaysan waligood is oggolaan, is af-garan, waxaa la abuuray jawi ku riixaya colaado iyo in dadku sii kala fogaadaan, waxaana madmadow iyo shaki badan oo aan horay u jirin laga dhex abuuray deegaanadaas dadkii ku noolaa oo awal cadowgoodu ah mid keliya…”Al-shabaab” waxaana talaabada ay dowladu maamulka ugu samaysay qaybo ka mid ah deegaanadaas ay xireen irridihii wada hadalka oo markii hore haba taag darnaatee waxaa jiray is weydaarsi ergooyinka, iyo wada hadalo u dhexeeya dadka walaalaha ah ee deegaanka ku wada nool.
Arrintii ahayd in dhinacyada deegaanadaas ay wax ku heshiiyaan waxaa ka soke maray maamul ay dowladdi samaysay iyadoo taas ku hor joogsanaysa in maamul dowlad goboleed ah meeshaas ka samysmo isla markaasna aan haba yaraatee hoos u fiirin xaaladaha nabad gelyo iyo arrimihii deegaanka ka socday, arrintan waxaa ka dhashay in la kala aamuso, shaki abuurmo, iyadoo ay taas dheertahay dowladda oo aan Gal-Mudug wax tix gelin ah siin, wax talo ah ama gorgortan ahna aan la samayn isla markaasna si cad maamulkaas u laashay, taasina waxay xoojisay khilaafkii iyo kala qaybsanaantii horay Gal-Mudug gudaheeda uga jiray.
Walwalka ugu weyn ee dowladda haysta waa cabsida ay ka qabto in maamul dowlad goboleed ah uu ka samaysmo Jubooyinka, sida iska cadna waxay u badantahay in maamulkaas uu dhismo oo waliba hir galo , waayo waxaa muuqda rabitaan aad u sareeya oo ka imaanaya dhinaca dadka deegaannadaas, dowladda oo ku guulaysatay inay maquuniso deegaano ay ka mid yihiin Hiiraan, Bay, iyo Bakool waliba iyadoo hareer maraysa sharciga iyo qaynuunka dalka ka jira, waxay hadda la legdamaysaa siday u kala diri lahayd dadka deegaannada Jubooyinka.
Waxyaabaha ugu yaabka badan ee dowladda ay goboladaas kula kacday waxaa ka mid ah inay xiisado u abuurtay dhowr jeer si ay isaga hor keento dadka deegaanadaas, waxaa yaab leh in dowladda ay aqoonsan weyday una bareertay inay inkirto lahaanshaha dadka deegaankaas ee gobolladaas iyadoo u ekaysiinaysa in dhulkaas shalay la helay oo aan la aqoon dadkii deggenaa, waxayna ku celcelinaysaa hadalo faro badan oo aan cadayn aadna u baahsan laakiin dadka deegaannadaas ku nool ee dagaalladu soo daashadeen wali la doonayo in lagu kala qaybiyo…waase is weydiinee dowladdu maxay rabtaa inay ku gaarto xiisadaha ay abuurayso?
Ra’isal wazaare Saacid marka aad fiiriso siyaabaha uu u tegay magaalada Kismaayo waxaa ka muuqda xil kasnimo yari aad u qoto dheer oo laysu soo qaawiyay colaadda dadka deegaannadaas , maahmaah Talyaangu leeyahay baa tiraahda Quell Farino None La Farino Del Tuo Sacco!..oo macnaheedu yahay Budadaan Ma Aha Budadii Jawaankaaga! Macnaha waxa aad ku hadlayso ma aha wax adiga kaa yimid ee waa wax cid kale kugu soo shubatay! Waana sida loo macnayn karo naanaysyo ay siyaasiyiinta qaarkood siiyeen iyagoo tilmaamaya inuusan xilka uu ku magacaabanayahay uu maamulkiisa waxba ku lahayn, waayo Saacid haddii uu talada leeyahay ra’iyigiisa marka laga hor yimaado isagoo waliba og inuu gar-daranyahay kuma sii faro adaygeen oo ummad colaad iyo dhibaato ka carar ah oo ku heshiiyay inay maamul samaystaan isma hor taageen.
Guddoomiyaha Barlamanka Max’ed Cusmaan Jawaari ayaa 24kii bishan aan ku jirno ee March booqday magaalada Baydhabo oo ay uga horeeyeen xil-dhibaano iyagana deegaankaas ka soo jeeday ujeeddadooduna ahayd inay u gogol xaaraan sidii loo qaban lahaa shir weyne dowlad goboleed loogu sameyniyo deegaannada Bay, Bakool iyo SHabeelaha –hoose, sida la sheegayna socdaalka Jawaari ayaa la mid ahaa midka uu hadda ra’iisal wazaaraha SHir-doon ku tegay magaalada Kismaayo.
Sida wararkii u dambeeyay ee magaaladaas ka yimaada ay sheegayeen Af-hayeenka wuxuu ku soo guulaystay inuu khilaaf iyo xiisad kala qaybisay ka dhex abuuray xil-dhibaannadii meeshaas isugu tegay, waxayna hadda arrintu maraysaa maamul la sameeyo warkiisa daayee inay qarka u saaranyihiin colaad iyo dagaal ka dhex dhacay iyaga gudahooda …Jawaari taariikhda ku xusi doonta, waase haddaad kala jeceshahay.
SHabeelaha-Hoose waxaa ayaamahan ka socday dagaalo gaar ahaan magaalada Marka waxa ugu weyn ee colaaduu ka kacday waxay ahayd dad-weynaha deegaanka oo diidan maamulka ay dowladdu meesha keentay, xummaanta meesha taalo waxaad ka garanaysaa wali dowladda kama hadlin arrimaha halkaas ka socda waxay ku mashquulsantahay burburinta iyo iska hor keenista maamulo samaysmi lahaa iyo kuwo jiray.
Dadka deegaannada Jubbooyinka anigu ma arko wax ay ku khaldanyihiin kamana duwana maamulada Somaliland iyo Puntland, dowladda danta ay leedahay ha cadayso, waxay ku dhiiran la’dahay inay hal eray ka tiraahdo khilaafka iyo colaadaha maalin kasta soo noqnoqda ee u dhexeeeya KHaatuma iyo Soomaaliland, mise dowladdu waxay rumaysantahay kuwaas inaysan dalka ka mid ahayn?! Madax-weynaha xataa wuxuu iska dhega tiray saraakiil sarsare oo maamulka KHaatumo ka socday oo ka codsaday aqoonsiga maamulkaas, ma aha inuu hub siiyo, ama uu difaaco oo ammaankooda sugo, marka maxaa Jubbaland ku dheeri ah?
Jubbaland inay dhisantaa haddii dadka deegaanku isku af-gartay anigu waxaan aaminsanahay in duco loogu daro ayeey ahayd, waxayna horseedaysaa ku dayasho wanaagsan oo fududaysa in deegaan kasta maamul samaysto kana baxo is dhex yaaca, waxay xoojinaysaa ammaanka waxayna meesha ka saaraysaa in cadow aan la garanayn gabbaad ka samaysto, waana tijaabo horay loo qaaday oo fududaynaysa in dowlad goboleedyo dhismaan, waxayna xoojinaysaa dhismaha dowladda Soomaaliyeed, hasa yeeshee haddi ay jiraan cilado qarsoon oo dowladdu ogtahay waxay ahayd inay dadka u soo bandhigto, hadayse tahay annagaa guddoomiye gobol baan idin soo magacaabayna, kuwa ay hadda magacowday baan sharci ahayn ee ha ka noqoto.
Maxaa maamulka ku- meel gaarka ah ee ka jira Jubooyinka laga fili karaa haddii dowladdii ay ku fekerayso inay dadka rabitaankoodii sharciga iyo qaynuunka u oggolaayeen ay rabto inay xoog iyo awood uga hor joogsato, sow arrintu noqon mayso Geel Duqdiisii Durdurisay Maxaad Aarankiisii Moodaa? Waxaana weydiin ka war celinteeda qof kasta ku adkaanaysa ay tahay, maxay tahay danta dowladda uga dhex maqan oo ay u diidantahay inay dhismaan Dowlad Goboleedyada Federalka ku midoobaya?
Mise waxaa dhab ah oo madax-weyne Xasan uu dadka rabaa inuu ku qasbo taladii Ismaaciil Cumar Geelle madax-weynaha Djibouti uu u soo jeediyay isaga iyo Axmed Siilaanyo, kulankii ay seddexdooda ku yeesheen munaasabaddii sanad guuradii 40aad ee ka soo wareegtay Qoristii Afka Soomaaliga ee lagu qabtay dalka Djibouti, markaasoo sida la sheegay uu Ismaaciil Cumar Geelle labada nin ku dhexdhexaadiyay in Soomaaliya ay yeelato labo dowlad goboleed oo kala ah; British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ku midooba dowlad federal ah.
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM