Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dhacdo Xannuun Leh: Raxanreeb oo Soo Aragtay Qoysas Barakacayaal ah oo Loo Diiday Inay Ka Guuraan Xerada Badbaado Kadib Markay Dhibaatooyin La Kulmeen (Warbixin +Sawirro)

$
0
0

Xerada Badbaado. Sawirka si qarsoodi ah ay u qaadeen wariyaasha Raxanreeb amaanka dartiis. 28 March 2013.

Muqdisho (RBC) Si aan ugu kuurgalno xaalada dadka barakacayaasha ee ku nool xerada weyn ee loo yaqaano “Badbaado” ee ku taalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka halkaasi booqday wariye ka tirsan Shabakada Raxanreeb kaasoo indhihiisa ku soo arkay xaalada ay ku sugan yihiin dadka tirada yar ee weli xeradaasi ku jira.

U kuurgalida wariyaha Raxanreeb waxay timid maalin uuna kadib markii hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch warbixin ay soo saartay ay ku sheegtay in maleeshiyaad, waardiyaal iyo guddoomiyaal degmooyinka qaarkood ay la haystayaal ka dhigteen barakacayaasha.

Inkastoo bilawgii waqtigii abaaraha darani ay ku dhufteen gobollada koonfurta dalka ay dad badan oo ka soo barakacay abaarahaasi soo buux dhaafiyeen xeradan Badbaado oo iyada la aas aasay horraantii 2011 ayaa hadda muuqaalka xeradaasi uu ka duwan yahay sidii sanad ka hor ay ahayd;  Tirada dadka ayaa aad uga yar intii hore, xaalada noloshada ee dadka halkaasi ku jirana waa mid liidata waayo waqtigan ma jiraan hay’ado xerada yimaada oo dadka gargaar raashiin siiya.

Qaar ka mid ah dadka ku sugan xerada Badbaado oo iyagoo aan niyad fiican heyn la hadlay wariyaha Raxanreeb ee saaka booqday xerada ayaa sheegaya waxyaabo xannuun badan.  Xitaa dadka aan la hadalnay ma rabaan inay magacyadooda sheegaan sababtoo ah waxay u cabsi qabaan naftooda.

La haystayaasha xerada Badbaado

Waxaa yaab lahayd in intii wariyaha Raxanreeb uu ku sugnaa xerada Badbaado uu la kulmay saddex nin oo dabley ah oo labo ka mid ah ay ku lebisnaayeen “dharka booliska” iyo mid ku lebisnaa dharka militariga dawlada oo hortaagnaa qoys ka mid ah barakacayaasha xerada ku nool oo doonayey inay xerada isaga guuraan.

Wariyaha Raxanreeb ayaa sheegaya in qoyskaasi uu ka koobnaa aabihii reerka, hooyo iyo saddex carruur ah kuwaasoo alaab ay ka mid ahaayeen qalabka cuntada iyo joodariyaal ay u yaaleen bannaanka hoygooda waxaana aqalka ay deganaayeen hortiisa isugu soo baxay dad fara badan ka dib markii ay ku soo bexeen buuqa halkaasi ka taagnaa.

“Aniga lafteyda waxaan ku soo leexday buuqa meesha ka yeerayay, markii aan goobta imid anigoo aan muujin shaqadeyda saxaafadda ayaan si caadi ah ula sheekeystay aabihii reerka oo ii sheegay in uu rabay inuu u guuro Baydhabo, siduu sheegay maadaama xilli roobaadkii uu bilawday, halkanna [Muqdisho] aysan nolol fiican ku heysan laakiin loo diiday guurista ka dib markii rag hubeysan oo xerada waardiyeeya ay u sheegeen inuusan guuri karin.” sidaasi waxaa sheegay wariyaha Raxanreeb.

Aabaha reerka oo qeylinayey ayaa waxaa u jawaabay nin dhalinyaro ah oo qoriga AK-47 garabka u surnaa kaasoo hadalkiisa ku soo koobay in uusan xerada ka bixi karin.

Xerada Badbaado waxaa jooga koox ka tirsan booliska dawlada hase yeeshee waxaa ku jira maleeshiyo beeleed ehel la ah guddoomiyaha degmada Dharkeenley, waxayna dadka u yaqaanaan “waardiyaasha ganjeelka“.  Kaliya waardiyaal ma ahee waxay xitaa kooxaha dableyda ah qeyb ka qaataan gargaarka barakacayaasha loo wado oo ay si xoog ah ku helaan marka la keeno.  Waardiyaasha waxaa kaloo ku jira haween horjoogayaal ka ah xeryaha oo isu yaqaana “gudoomiyaal”.

Dadka deriska la ah qoyskan loo diiday inay guuraan, oo wariyahayagu la sheekeystay waxay arrintan ku micneeyeen labo sababood oo kala ah;

1) In qolada xerada waardiyeyaasha ka ah ay rabaan lacag, caadi ahaana ay ka qaataan cid kasta oo rsbta inay ka guurto xeradan oo markii horeba ay dadku ugu soo carareen nolol raadis.

2) Iyo iyadoo kooxdan heysata xerada ay diidan yihiin in haddii dadku ka guuraan xerada markaasi ay xirmi doonto Xerada Badbaado sidaasna ay iyaga ku weyn doonaan raashiinkii ay ka boobi jireen barakacayaasha ay ku dul noolaayeen.

Nin da’ dhexaad ah oo ku nool xerada Badbaado, magaciisana ku sheegay “Ciise” ayaa wariyaha Raxanreeb u sheegay “haddaan ahaan lahaa reer Baydhabo sidaas ayaa la ii geli lahaa, laakiin aniga waxba la ima yeeli karo,..hadday ii yimaadaana tii ka dhacdo ayaa la arki lahaa!!”

Wuxuu malaha sheegayaa inuu ka soo jeedo qabiil ka mid ah kuwa hubeysan ee Muqdisho degan.  Dareenkaas ma ahan mid “Ciise” kaliya uu qabo ee waxaa la wadaaga dad badan.

Xerada Badbaado- qeybta xigta Ekis Komtorool. Sawir qarsoodi ay u qaadeen wariyaasha Raxanreeb, amaanka dartiis. 28 March 2013.

Dhacdo labaad

Meel aan ka fogeyn bartamaha xerada; waa qeybta xigta Ekis kontorool Afgooye waxaa nin hubeysan uu celiyey baabuur noociisu yahay mini-bus [ama caasi siday u yaqaanaan Soomaalida]. Baabuurka waxaa dusha sare ka saaran agabka jiifka oo ay sitaan qoys kale oo isla xerada Badbaado ka guuri lahaa.  Waxaa halkan lagu dhexdhexaadinayaa qoyska guuraya iyo ninka hubeysan oo isaguna sita tuutaha ciidamada.

Wariyaha Raxanreeb ayaa wareystay haweeney magaceea ku koobtay “Aamino” taasoo sheegtay in qoyskan loo heysto lacag ay ahayd inay “waardiyaasha” siiyaan haddiiba ay ka guurayaan xerada Badbaado.

“Waa wax caadi ah in markaad guureyso iska bixiso lacag, xataa haddii aad magaalada dhexdeeda u guureyso.” ayey tiri Aamino oo siday sheegtay labo carruur ah ku heysata Xerada Badbaado.

Aamina lafteeda waxay xerada soo degtay lix bilood ka hor, waxaana iyada iyo labadeeda carruurta ah ku hoydaan teendho loogu talagalay dadka barakacayaasha hase yeeshee iyada ay ku iibsatay $40 doolar maadaama qalabka loo keeno barakacayaasha uu gacanta u galo kuwa sheegta inay maamulaan xerada kadibna dib uga iibiya barakacayaasha laftooda.

Sharci darrada oo sharci noqotay

Dhibaatada ugu weyn ee heysata dadka barakacayaasha ee ku nool Muqdisho guud ahaan, waa iyagoo aan garaneyn waxa sharciga ah iyo waxa sharci darrada ah- iyo mida ugu daran inaysan aqoonin meel iyo cid ay u dacwoodaan haddiina ay dacwoon lahaayeen.

Tusaale ahaan; Aamino iyo dadkii kale ee aan wareysanay dhammaantood waxay sharci iyo “XAQ” lagu leeyahay u arkeen inay lacag siiyaan ragga hubeysan ee afduubka u heysta iyaga noloshoodiina hortaagan.  Taasi ayaa xitaa keentay in dumarka yar yar ee barakacayaasha lagu qasbo inay shukaansi [haasaawe] shuruud ku jirto la yeeshaan ragga hubeysan ee xeryaha ka ah “waardiyaasha“.

Dadkii fara badan ayaa waa hore isaga cararay xeryaha barakacayaasha- gaar ahaan xerada “Badbaado” oo dadka aanu wareysanay ay sheegeen inay noqotay xero raashiinka barakacayaasha xoog laga qaato, gabdhaha lagu kufsado, qoysaskana loo diido xuquuqdooda Soomaalinimo.

Arrintan musiibada ah kuma koobna oo kaliya xerada Badbaado ee waa mid ay ka siman yihiin dhammaan xeryaha barakacayaasha Muqdisho oo dhammaantood gacanta ugu jira guddoomiyaal degmooyin hoostaga maamulka gobolka Banaadir ee dawlada Soomaaliya.

 

 

W/Q: Cabdalle Muumin
Raxanreeb.com

Email; Cabdallemuumin2@gmail.com

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles