Marka(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya magaalada MArka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in xil ka qaadis lagu sameeyey maamulkii magaalada wafti ka socday xukuumada Soomaaliya oo ilaa xalay wada hadalo kula lahaa magaalada Marka maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo loo xilsaaray iney xaliyaan dagaalkii ka dhacay magaalada Marka ayaa la sheegayaa iney xilkii ka xayuubiyeen gudoomiyihii degmada,kuxigeenkiisii iyo taliyihii ciidanka booliska Marka.
Wararka horu dhaca ah ee an ka heleyno magaalada Marka ayaa sheegaya in gudiga ka socda dowlada Soomaaliya ee loo xilsaaray xalinta gacan ka hadalka kasoo cusboonaaday magaalada Marka ay xalka u arkeen iney xilka dhigis ku sameeyaan masuuliyiinta maamulka magaalada oo dagaalkuu uu dhexmaray.
Maamulka magaalada ayaa waxaa loo magacaabay Max’ed Cismaan Cali Yariisow oo hore u ahaa madaxii maaliyada maamulka magaalada,ragga xilka laga qaaday oo uu ku jiro gudoomiyihii magaalada Marka Axmed Macalin Cukaash iyo ku xigeenkiisa kuwaas oo ahaa labada nin ee ku dagaalamay magaalada waxaana sidoo kale xilkii laga qaaday Xasan Boolis oo ahaa taliyihii horbooodayey ciidamo boolis ah oo ku sugan magaalada Marka oo si weyn ugu lug lahaa dagaalka ka dhacay magaalada Marka kasoo uu ka dhashay khasaare fara badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Wixii kusoo kordha xil ka qaadista lagu Sameeyey maamulkii magaalada Marka kala soco iyagoo faah faahsan wararkeena soo Aaddan.