Muqdisho(RBC Radio) Taliska Amisom ayaa sheegay iney gobolada dalka Soomaaliyaay geyn doonaan ciidamada booliska Amisom si ay qayb libaax leh uga qaataan xaqiijinta amniga degmooyinka laga qabsaday ururka alshabaab afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta Amisom Cali Aadan Xumud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey arintaasi.
Afhayeenka Amisom Col.Cali Aadan Xumud oo shirkiisa Jaraa’id kaga hadlay arimo fara badan oo ku saabsan hawlgalka Amisom,wuxuuna sheegay in ciidamada booliska Amisom la gaarsiin doono magaalooyinka Kismaayo,Baydhabo iyo Beledweyne halkaas oo ay hada ku sugan yihiin milateriga Amisom oo dagaal kaga qabsaday ciidamada alshabaab.
Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in ujeedka ciidamada booliska Amisom loo geynayo gobolada dalka ay tahay sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen xaqiijinta amniga goobaha ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom si loo xasiliyo nabadgalyada magaalooyinka ay la wareegeen ciidamada isgarabsanaya.
Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in ciidamada Amisom ujeedka ay u yimaadeen dalka Soomaaliya uu yahay sidii ay usoo celin lahaayeen amnigii iyo kala danbeyntii dalka Soomaaliya,afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada booliska Amisom ay tababaro siin doonaan booliska Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho