Beledweyne(RBC Radio) Maamulka gobolka Hiiraan ayaa baaq u diray ha’ada gargaar kaasoo ku aaddan iney Cisbitaalka guud ee magaaalada Beledweyne ka taageeraan dhanka Caafimaadka gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Fataax Xasan Afrax oo warbaahinta la hadlay ayaa ka codsaday hay’adaha gargaarka iney deeq caafimaad la gaaraan Cisbitaalka magaalada Beledweyne.
Gudoomiye Afrax ayaa sheegay in Cisbtilaaka oo ay hada Jiifaan bukaano fara badan oo qaarkood uu soo ritay cudurka Shuban-biyoodka ayna u baahan yihiin gargaar caafimaad wuxuuna tilmaamaay in xaalada Cisbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ay xiligan tahay mid cakiran.
Cabdi Fataax Xasan Afrax gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay inuu la kulmay hay’ado badan kuwaas oo uu dhamaantood ka codsaday iney taakuleeyaan Cisbitaalka guud ee Beledweyne isagoona tilmaamay ineysan ilaa hada hayn hay’ad si toos ah uga jawaabtay baaqii iyo dalabkii ay u direen hay’adaha gargaarka.
Cisbitaalka magaalada Beledweyne ayaa waxaa xiligan jiifa bukaano fara badan oo la ildaran xanuuno kala duwan oo soo ritay waxaana ka jirta Cisbitaalka daawo yaraan kadib markii ay faarujisay Cisbitaalka hay’adii gacanta ku haysa mudada dheer ee MSF.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in hay’ado dhowr ah ay gaareen gudaha gobolka Hiiraan wuxuuna tilmaamay iney rajo ka qabaan in hay’aduhu ay ka jawaabaan dalabkooda ku saabsan taakuleynta Cisbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho