Dubai(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo oo saaaka gaaray wadanka isu tagga Imaaraadka Carabta waxaana waftiga halkaas si diiran ugu soo dhaweeyey madaxda dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ee ay martida u yihiin .
Madaxweynaha iyo waftigiisa oo kasoo duulay magaalada Dooxa ee dalka Qadar oo y kaga soo qayb galeen shir madaxeedkii wadamada Jaamacada Carabta ayaa wada hadal la yeelan doona madaxda dalka Imaaraadka Carabta inta ay halkaas ku sugan yihiin.
Waftiga Madaxweynaha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda wadanka isu tagga Imaaraadka Carabta waxaana la filayaa iney ka wada hadlaan waxyaabo ay k mid yihiin in dalkaasi uu taageero siiyo dowlada Soomaaliya dhanka maaliyada ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaaliga ah ee Soomaaliya Xasan Sh Max’uud ayaa safaro dibada ah ku tagay wadamo fara badan oo ku yaala caalamka kuwaas oo uu uga gol leeyahay sidii uu dib ugu soo nooleyn lahaa xiriirka wadanka Soomaaliya kala dhexeeyey wadamada caalamka kaasoo meesha ka baxay markii ay burburtay dowladii dalka sanadkii 1991.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho