Baay(RBC Radio) Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ku dhaqan degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Baay Roobab lixaad leh ayaa ka da’ay degmooyinka Baydhabo,Qansaxdheer iyo Bardaale oo dhamaantood ka wada tirsan gobolka Baay roobabkaas ayaa ah waxaa ku diirsaday bulshada ku dhaqan degmooyinkaas.
Gudoomiyaha degmada Bardaale ee gobolka Baay Max’ed Isxaaq ayaa sheegay in roobka ka da’ay degmadaas uu ahaa mid ay si weyn ugu diirsadeen bulshada ku nool magaalada Bardaale wuxuuna sheegay in roobku uu kusoo beegmay xili ay ka jirtay deegaanadaas biyo la’aan baahsan.
Wuxuuna intaa ku daray in bulshada degmada Bardaale uu roobku u da’ay xili ay si aad ah ugu baahnaayeen isagoona sheegay in roobabka ka da’ay degmad ay si wanaagsan u biya dhigeen,isagoona tilmaamay in roobaka ka da’ay degmada Bardaale aysan geysan wax khasaare ah.
Qaybo badan oo ka tirsan gobolada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka curtay roobka guga oo ay si weyn u sugayeen bulshada Soomaaliyeed oo ay haysay abaar iyo biyo la’aan ka dhashay xiliga Jiilaalka oo ku daba dheeraaday deegaanada qaar ee dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho