Kismaayo(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay iney gudi u dirtay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose kuwaas oo soo xaliya khilaafaad maalmihii danbe ka taagnaa kasoo gaaray gacan ka hadal ay dad ku dhinteen wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dowladu ay gudi deg deg ah u dirtay soo afjarida xiisadaha colaadeed ee kasoo cusboonaaday magaalada Marka.
Wasiirka ayaa sheegay in 2 wafti ay u direen magaalada Marka kuwaas oo ka kooban masuuliyiin sar sare oo ka kala socda wasaaradaha arimaha gudaha iyo gaashaandhiga si ay usoo afmeeraan dagaalka iyo hkilaafka ka taagan magaalada Marka oo maalmihii danbe cirka isku sii shareerayey.
Cabdi Karaiin Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay si aad ah uga xuntahay dagaalka ka dhacay magaalada Marka wuxuuna sheegay ineysan ahayn wax la aqbali karo in shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo dagaaladii sokeeye iyo fadqalaladii ay kasoo gudbeen.
Wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in si dhaqso ah loo xaliyo colaada magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose oo ay dhawaan ku dagaalameen ciidamo ka wada tirsan kuwa dowlada balse markii danbe isku bedelay dagaal 2 beelood.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho