Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sh oo la Kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Dooxa

$
0
0

Dooxa(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sh Max’uud ayaa xalay shir kula qaatay magaaalada Dooxa ee dalka Qadar Jaaliyada Soomaaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaas madaxweynaha ayaa qudbad dheer u jeediyey Jaaliyada magaalada Dooxa taasoo uu uga warbixinayey xaaladaha dalka iyo guulaha laga gaaray dhinacyada amaanka iyo dowlad wanaaga.

Madaxweyne Xasn Sh ayaa qudbadiisa uga hadlay arimo dhowr ah waxaana ka mid ahaa meelaha uu sida gaarka ah u taabtay qorshaha dowladiisa ee ku saabsan ka gudbida marxalada adag ee ay soo mareen shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna sheegay in dowlada uu hogaamiyo ay diyaarisay qorshayaal cad cad oo dib dhidibada loogu aasayo qaranimadii dalkeena Soomaaliya ee luntay horaantoo sagaashamaadkii.

Xasan Sh Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in dowladu ay mudnaanta ugu weyn siinyso adkeynta amniga gudaha ee dalka,wuxuuna ballan qaaday in dhawaan dalka lagu soo celin doono boqolaalka kun ee Soomaaliyeed kuwaas oo ku jira xeryaha qaxootiga aduunka kadib markii ay ka baxsadeen colaadaha ka jira Soomaaliya.

Qudbada uu u jeediyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Dooxa madaxweyne Xasn Sh ayaa waxa uu sidoo kale kaga hadlay dhalinyarada u dagaalaa alshabaab wuxuuna sheegay in dowladiisu ay albaabka u freyso dhalintaa oo uu sheegay in maanka laga xaday ayna yihiin umad Soomaaliyeed oo la qalday sidaas darteedne ay waajib ku tahay dowlada iney dib uga soo celiso fikirka qaldan ee lagu shubay sida uu tilmaamay.

Wuxuuna ugu yeeeray dhalinyarada Soomaaliyeed ee u dagaalama alshabaab iney ka waantoobaan dhibaateynta umadooda kuna soo biiraanbulshadooda isla markaane ay bulshada cafis weydsiistaan allane ay u toobad keenaan.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles