Image may be NSFW.
Clik here to view.Jowhar(RBC) Xildhibaanadii ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya ee gaaray magaalada Jowhar ayaa halkaas wada hadalo kula leh maamulka gobolka shabeelaha dhexe xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee gaaray magaalada Jowhar ayaa ka warbixiyey kulamada ay la qaateen maamulka gobolka shabeelaha dhexe.
Xildhibaan C/qaadir ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen maamulka gobolka shabeelaha dhexe uu ku la xiriiro xog wareysi ay ugu kuurgalayaan xaaladaha nololeed ee shacabka gobolka sida amaanka,caafimaadka iyo waxbarashada,wuxuuna sheegay in markii ay dhegeysteen warbixinta uu siiyey maamulka gobolkaas ay ogaadeen duruufaha adag ee ka jira gobolkaas.
C/qaadir Cosoble Cali oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ay ku shaqeeyaan duruufo adag isagoona daboolka ka qaaday in dowlada Soomaaliya aysan geyn gobolkaas ciidan boolis ah oo suga amniga balse maamulka uu isl xilqaamay isal markaane uu buuxiyey kaalintaasi.
Wuxuuna sidoo kale sheegay in dowlada Soomaaliya aysan wax maaliyad ah ku bixin gobolkaas isagoona tibaaxay in masuuliyiinta gobolka shabeelaha dhexe ay ku shaqeeyaan si iskaa wax u qabso ah oo aysan jiin gunooyin ay xiligan qaataan,xildhabaanka ayaa maanay shaqada wanaagsan ee ay qabteen maamulka shabeelaha dhexe iyaga oo aan wax taakuleyn ah ka helin dowlada Soomaaliya.
Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa sheegay iney maanta kulamo la qaadan doonaan qaybaha kale ee bulshada si ay iyagane u dhegeystaan waxyaabaha ay ka dalbanayaan dowlada si ay baarlamaanka u hor dhigaan marka ay soo gabagabeeyaan booqashadooda gobolka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho