Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20152

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo si Kulul u Cambaareeyey Afduubyada Ardayda ee ka socda Magaalada Gaalkacyo

$
0
0

Gaalkacyo(RBC Radio) Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo ka titsan nabadoonada caanka ah ee sida weyn looga yaqaano gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa si kulul u dhaleeceeyey afduubyada foosha xun ee ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo kii ugu danbeeyey lagu afduubtay carruur arday ah.

Nabadoon Cali Diiriye Aloore ayaa maamulada Galmudug iyo Puntland ku eedeeyey iney ka gaabiyeen wax ka qabashada dhibaatada lagu hayo shacabka magaalada Gaalkacyo oo marti u noqday dil iyo afduub joogto ah,wuxuuna sheegay in afduubyada foosha xun ee ka socda magaalada Gaalkacyo ay yihiin wax aan la aqbali.

Cali Diiriye ayaa ugu baaqay dadkii afduubka u geystay ardayga kuwaas oo kasoo jeeda koonfurta Gaalkacyo dhanka uu ka arimiyo maamulka Galmudug iney si deg deg ah u siidaayaan ardayga u afduuban ee aan waxba galabsan,nabadoonka ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan la jabiyey waxyaabihii ay Soomaalidu dhaqan ahaan xeerin jirtay.

Ugu danbeyntii nabadoon CAli Diiriye ayaa baaq u diray shacabka walaalaha ah ee ku wada dhaqan magaalada Gaalkacyo iney gacmaha is qabsadaan kana waantoobaan qabyaalada,isla markaane ay hal meel uga soo wada jeestaan dadka falalka foosha xun ka wada magaaladooda.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20152

Trending Articles