Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowlada Sierra-Leon oo Kun Askari usoo Direysa Soomaaliya

$
0
0

Freetown(RBC Radio) Dowlada wadanka Sierra-Leon  ayaa sheegtay iney ciidamo hor leh usoo direyso dalka Soomaaliya xaflad balaaran oo tababar loogu soo xirayey ilaa kun askari oo u dhashay dalka Sierra-Leon  kuwaas oo loo diyaarinayey sidii ay usoo gaari lahaayeen gudaha Soomaaliya si ay uga mid noqdaan hawlgalka Amisom ayaa lagu qabtay wadankaas.

Munaasabada xiritaanka Tababarka Ciidankaas ayaa waxaa hadal ka jeediyey madaxweynaha wadanka Sierra-Leon  Ernest Koroma wuxuuna sheegay in ciidankan loogu tala galay iney qayb ka noqdaan hawlgalka midowga Afrika ay ka wadaan dalka Soomaaliya ee  Amisom,wuxuuna sheegay in dalkiisu uu kaalin muuqata ka ciyaari doono nabad kusoo dabaaliada wadanka Soomaaliya.

Madaxweyne Ernest Koroma ayaa u mahad celiyey wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska oo uu sheegay iney gacan weyn ka geysteen tababarka iyo qalabeynta ciidanka reer Sierra-Leon  ee loosoo dirayo wadanka Soomaaliya.

Dowlada Sierra-Leon  ayaa waxaa hore uga joogay dalka Soomaaliyo Saraakiil boolis ah oo gacan ka geysta sugida amniga dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ah fariisinka madaxda dalka.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles