Muqdisho(RBC Radio) Ururka haweenka Soomaaliyeed oo maanta kulan la qaatay wafti ka socday urur goboleedka IGAD kulanka oo ka dhacay guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa doorka ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin siyaasada dalka Soomaaliya.
Waftiga IGAD ee maanta shirka la yeeshay ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa kamid ahaa Safiirka urur goboleedka IGAD u fadhiya dalka Soomaaliya u qaabilsanaha horumarinta nabad ee ururkaas waxaana lagu lafa guray kulanka sidii urur goboleedka IGAD ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen in haweenku ay door baaxad leh ku yeeshaan siyaasada dalka.
Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo ah gudoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa sheeegtay in waftiga ka socda ururka IGAD ee maanta soo booqday xarunta ururka haweenka ay ka wada hadleen sidii jor loogu qaadi lahaa kaalinta ay haweenku ku leeyihiin dalka Soomaaliya.
Waxayna sidoo kale sheegtay in laga wada hadlay sidii loo joojin lahaa tacadiyada loo gesyto haweenka Soomaaliyeed sida Kufsiga,Quursiga,Faquuqa iyo dhibaatooyinka kale ee loo geysto haweenka Soomaaliyeed,waxayna tilmaantay in haweenku ay yihiin laf dhabarka bulshada Soomaaliyeed sidaas darteedne looga baahan yahay in la xaq-dhowro