Baydhabo(RBC Radio) Maamulka gobolka Baay oo sheegay inuu horumarin doono adeegyada bulshada gobolkaas gudoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow oo shalay loo dhaariyey xilka gudoomiye ee gobolka oo dhawaantan loo magacaabay ayaa daboolka ka qaaday in maamulkiisa uu xooga saari doono horu marinta adeegyada bulshada gobolka Baay.
Gudoomiye Hoosow ayaa sheegay inuu dhamaan waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo kala kaashan doono sidii loo hagaajin lahaa adeegyada bulshada sida Amniga,caafimaadka iyo nadaafada oo uu sheegay iney lagama maarmaan u yahay nolosha shacabka gobolka.
Cabdi Aadan Hoosow ayaa sheegay inuu shacabka gobolka Baay ku hogaamin doono rabitaankooda isla markaane uu ahmiyada siin doono soo jeedinta dadweynaha gobolkaas,isagoona ballan qaaday in maamulkiisu uu wax badan ka qaban doono horumarinta adeegyada bulshada iyo isu soo dhaweynta shacabka gobolkaas.
Wuxuuna intaa ku daray inuu ka shaqayn dooono walaaleynta shacabka reer Baay,gudoomiyaha ayaa ka dalbaday bulshada gobolkaas iney la shaqeeyaan maamulkiisa si looga gudbo dhibaatooyinka faraha badan ee ku xeeran gobolka,Hoosow ayaa dhawaantan loo dhaariyey xilka gudoomiyaha maamulka gobolka Baay waxaana ka jira magaalada Baydhabo diidmo ay muujinayaan bulshada magaaladaas oo ku saabsan magacaabistiisa walow la sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka oo halkaa gaaray uu xaliyey khilaafkii ka dhashay magacaabistii gudoomiye Hoosow
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho