Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Gaaray Magaalada Jowhar

$
0
0

 

Jowhar(RBC Radio) Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe xildhibaanada ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaana la sheegay in u jeedka safarkoodu uu yahay u kuurgalida xaaladaha gobolka shabeelaha dhexe.

Xildhibaanada oo ay horkacayeen maamulka gobolka Baay oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Cabdi Jiinow Calasow iyo kuxigeenadiisa ayaa safar dhanka dhulka ah ku gaaray magaalada Jowhar wafyiga xildhibaanada ayaa intii aysan gudaha u galin magaalada Jowhar waxa ay ku hakeed deegaanka Koongo oo 6km u jirtay magaalada halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada dowlada Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa kulamo la qaadan doona maamulka gobolka shabeelaha dhexe iyo waxgaradka iyo bulshada gobolkaas waxaana la filayaa iney u kuurgalaan xaaladaha nololeed ee ay ku sugan yihiin shacabka gobolka oo muddo dheer ku jiray gacanta alshabaab ka hor intii aan dhawaan laga saarin magaalada Jowhar.

Waftiga xildhibaanada ee gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa la tilmaamayaa iney horu dhac u yihiin wafti ka socda xukuumada oo lagu wado iney magaaladaasi gaaraan dhawaaanahan,masuuliyiinta dowlada iyo xildhibaanada ayaa safaro ku kala bixiyey gobolada dalka iyagoona raadinaya kasbashada taageerada shacabka dalka.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

RBC Radio

xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles