Kismaayo(RBC Radio) Ururka alshabaab ayaa sheegtay iney weeraradii ugu badnaa ee qaraxyo ay shalay ka fuliyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose halkaas oo uu shalay gaaray R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax shiirdoon Saacid iyo wafti uu hogaaminayo.
Afhayeenka alshabaab ee dhinaca hawlgalada Sheekh c/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in alshabaab ay shalay ka fuliyeen magaalada Kismaayo qaraxyadii ugu badnaa wuxuuna sheegay iney shalay oo kaliya ka fuliyeen magaalada Kismaayo ilaa 7 qarax sida uu sheegay xili uu wareysi siinayey warbaahinta ku hadasha afka alshabaab.
C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in qaraxyadaasi oo ahaa nuuca Miinada ay ula danlahaayeen iney ku waxyeeleeyaan waftiga uu hogaaminayey R/wasaaraha dowlada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Afhayeenka alshabaab u qaabilsan hawlgalada ayaa sheegay iney dhibaato baaxad leh ku gaarsiiyeen qaraxyadaas saraakiisha dowlada ee ku sugan magaalada Kismaayo sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna sheegay in ujeedkii iyo hadafkii laga lahaa qaraxyadaasi la gaaray laguna guuleystay,balse ma uusan sheegin cid rasmi ah oo ay dhibaato kasoo gaartay weeraradaas uu sheegay iney ka geysteen gudaha Kismaayo,ma jiraan ilo ka madax banaan alshabaab oo xaqiijinaya arintaasi.
Amniga magaalada Kismaayo ayaa waxaa si weyn u adkeeyey ciidamada Maamulka kumeelgaarka ah ee ka arimiya magaalada oo gacan ka helaya ciidamada Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho