Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shir Madaxeedkii Carabta oo laga soo saaray War-Murtiyeed lagu Taageerayo Soomaaliya

$
0
0

 

Dooxa(RBC Radio) Shir madaxeedkii wadamada Jaamacada carabta shalay uga furmay magaalada Dooxa ee xarunta wadanka Qadar ayaa lasoo gabagabeeyey markii uu dhamaaday shirku ayaa waxaa laga soo saaray war murtiyeed ku saabsan waxyaabihii la isku raacay ee kasoo baxay kulankii madaxdii Carbeed ee ku shiray magaalada Dooxa ee wadanka Qadar.

Qodobada sida weyn u hadheeyey shir madaxeedka carabta ayaa ahaa arimaha wadamada Siiriya,Soomaaliya iyo Falastiin,nuqulka war murtiyeedka ee ku saabsanaa dalka Soomaaliya ayaa waxaa aqriyey ku xigeenka xogyahaya guud ee Jaamcada Carabta Axmed Bin Xudeyd

Axmed Bin Xudeyd ayaa sheegay in wadamada Jaamacada Carabta ay si diiran u soo dhaweynayaan guulaha dhanka siyaasada iyo amniga ah ee ka dhacay dalka Soomaaliya muddooyinkiin danbe wuxuuna sheegay in wadamada Jaamacada carabta looga baahan yahay iney garab buuxa siiyaan walaalahooda Soomaaliyeed “waa in wadamada Carabtu ay yididiila galiyaan shacabka Soomaaliyeed,waa iney dib ugu noqdaan magaalada Muqdisho si ay gacan u siiyaan umada Soomaaliyeed.

War-murtiyeedka ayaa ku baaqay in wadamada Jaamacada Carabta ay muujiyaan taageero dhab ah oo ay siiyaan dowlada Soomaaliya isla markaane garab laga siiyo  dowlada Soomaaliya dhanka diblamaasiyada iyo siyaasada,war-murtiyeedka ayaa intaa ku daray in dhamaan dalalka Carabtu ay Safaaradahooda dib uga furantaan  doonaan dalka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shir madaxeedka wadamada Jaamacada Carabta ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb galay madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Xasan Sh Max’uud iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo,wuxuuna shirka ka jeediyey qudbad dheer oo uu kaga hadlayey marxalada cusub ee uu galay dalka Soomaaliya iyo kaalinta looga fadhiyo wadamada Carabta iney ka ciyaaraan soo celinta amnigii iyo kala danbeyntii dalka Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles