Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Masar oo Shaaca ka Qaaday iney Soomaaliya siineyso Taageero dhan walba ah

$
0
0

Dooxa(RBC Radio) Dowlada wadanka Masar ayaa shaaca ka qaaday iney dalka Soomaaliya ka taageereyso dhinacyo badan madaxweynaha dalka Masar Max’ed Mursi oo qudbad ka jeedinayey shir madaxeedka wadamada Jaamacada Carabta ayaa shaaca ka qaaday in dowladii su ay Soomaaliya ka taageereyso dhinacayda badan oo ay ka mid yihiin dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweyne Max’ed Mursi ayaa sheegay in dalka Masar uu diyaar u yahay inuu dowlada Soomaaliya ka teegeero dib u dhiska ciidamada xooga dalka si ay u hantaan sugida amniga dalka Soomaaliya,wuxuuna si weyn u amaanay horumarada laga gaaray dhinacyada diblamaaasiyada iyo amniga dalka Soomaaaliya,wuxuuna tibaaxay in xiligan ay muuqato fursad ay Soomaaliya kaga soo kabaneyso dhibaatooyinkii dagaalka sokeeye ee dalka ragaadiyey.

Mursi ayaa sheegay in dalka Masar uusan marna gacmaha ka laaban doonin wax u qabashada dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna guul ku tilmaamay dhamaynta xiligii kumeelgaarka oo ay Soomaaliya kusoo jirtay mudada dhowr iyo tobanka sano ahayd.

Max’ed Mursi Madaxweynaha dhawaan la doortay ee dalka Masar ayaa hoosta ka xariiqay in dowlada Masar ay soo celin doonto dorkii ay ku lahayd siyaasada Soomaaliya oo ay ka maqnayd xiliyadii uu talada dalkaasi hayey Max’ed Xusni Mubaarak,wuxuuna ugu baaqay dhamaan wamada ku jira Jaamacada Carabta iney iska kaashadaan sidii ay u taageeri lahaayeen dowlada Soomaaliya.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles