Afmadow(RBC Radio) Dowlada iyo Alshabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal habeen hore ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose afhayeenka ciidamada dowlada Soomaaaliya ee gobolada Jubooyinka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay iska caabiyeen weerar ay alshabaab kusoo qaadeen magaalada Afmadow.
Afhayeenka ayaa sheegay iney dagaalka ku dileen 12 ka tirsan ciidamada alshabaab ee duulaanka kusoo qaaday magaalada wuxuuna tilmaamay iney dib uga saareen magaalada isla markaane ay gaarsiiyeen dhibaato aan yarayn isagoona hoosta ka xariiqay iney ku guul dareysteen ujeedkooda oo ahaa iska day ahaa iney la wareegaan gacan ku haynta degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose.
Dhanka kale afhayeenka hawlgalada alshabaab Sh C/casiis Abu Muscab oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afka ururka alshabaab ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan dagaalamayaasha alshabaab iney gudaha u galeen magaalada Afmadow isal markaane ay dagaal kula wareegeen guud ahaan magaalada.