Kuwaalalanbuur(RBC Radio) Ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka dalbaday hay’adaha deeqaha bixiya iney gargaar u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed oo ay haystaan dhibaatooyin kala duwan war kasoo baxay ururka iskaashiga wadamada Islaamka ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano OIC ayaa cofdsaday in shacabka Soomaaliyeed lala gaaro deeqo ay ugu horeyso dhanka caafimaadka.
warka kasoo baxay ururka iskaashiga wadamada Islaamka ayaa waxaa lagu sheegay in ururku uu ka war helay in dalka Soomaaliya uu ka dilaacay cudurka dilaaga ah ee shuban-biyoodka kasoo soo ritay boqolaal ruux isla markaane ay u dhinteen tobanaan qof oo ka mid ah dadkii uu soo ritay wuxuuna codsaday ururka in gargaar caafimaad oo deg deg ah la gaarsiiyo bukaanadaasi.
Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sheegay in boqolaal bukaan ay xiligan la ildaran yihiin cudurka shuban-biyoodka kuwaas oo jiifa Cisbitaalada waxayna tilmaameen in wadamada Islaamka iyo guud ahaan beesha caalamka ay la gudboon tahay iney u gurmadaan umada Soomaaliyeed oo la daalaadhacaya dhibaatada ka dhalatay cudurka shuban-biyoodka.
Cudurka shuban-biyoodka ayaa sanad walba ka dilaaca dalka Soomaaliya xiliyada kuleylaha waxaana loo aaneeya inuu ku yimaado kadib marka ay xiliyadan oo kale ay yaraadaan biyaha ayaa waxaa dhacda in dadku ay cabbaan biyo aan nadiif ahayn taasine ay keento in jeermiska ka dhashay biyaha wasaqaysan ay keentay inuu dilaaco cudurkani.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho