Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Hawada Soomaaliya oo Weli Gacanta ugu Jirta UN-ka, Iyo Shir Soomaaliya uu u Metelay Nin Ajnabi ah (Warbixin)

$
0
0

Nairobi (RBC) Iyadoo dhowaan dawlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay sheegeen in maamulka hawada Soomaaliya dib loogu soo celinayo dawlada ayaa haddana waxaa weli maamulka hawada gacanta ugu jiraa guddi hoostaga Qaramada Midoobay oo fadhigiisu yahay wadanka Kenya.

Maanta oo ah Talaado 26/03/2013 waxaa dalka jasiirada Seychelles lagu soo gabagabeynayaa kulan qaatay labo maalmood kaasoo looga hadlayo arrimaha maamulka hawada wadamada ku yaalla bariga iyo waqooyiga qaaradda Afrika iyo badweynta Hindiya.

Shirkan oo ay qabanqaabisay shabakadda NAFISAT oo ah dallad ay leeyihiin wadamada bariga iyo waqooyiga Afrika ku yaalla maamuladooda dhanka qadadka hawada ayaa waxaa looga hadlayaa sidii akhbaarta iyo xigta la xiriirta duulimaadyada iyo qadadka hawada ay isu dhaafsan lahaayeen wadamada ku jira dallada NAFISAT.  Waxaana kulankan martigeliday waaxda duulista hawada ee Seychelles.

Yaa metelaya Soomaaliya?

Waxaa cajiib leh in shirkan ay ka qeybgaleyso magaca SOOMAALIYA iyadoo kursiga Soomaaliya uu ku fadhiyo nin lagu magacaabo Mr. Moses Lusambili kaasoo ka wakiil ah maamulka hawada sare ee Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1996 ku jiray gacanta Qaramada Midoobay.

Mr. Moses Lusambili ayaa khudbad ka hadleysa xaalada hawada Soomaaliya iyo duulimaadyada ka jeediyey kulankan socday labada maalmood.

Hawada Soomaaliya waxaa hadda maamulka koox khubaro ajnabi ah oo hoostaga Qaramada Midoobay kuwaasoo lagu magacaabo Civil Aviation Caretaker Authority of Somalia (CACAS).  Waxay kooxdan oo fadhigeedu yahay Nairobi maamulayeen hawada sare ee Soomaaliya tan iyo sanadkii 1996 markii hawlgalkii “UNOSOM II” ee Soomaaliya uu fashilmay.

Sanadkii 2002 ayaa dawladii ku-meelgaarka ee Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan si kooban ula wareegtay maamulka hawada, hase yeeshee markale ayaa maamulka hawada gacanta u galay kooxda ajnabiga ah ee degan magaalada Nairobi.

Xukuumadihii isku xigay ee ay raysul wasaarayaasha ka ahaayeen Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Dr. C/weli Cali Gaas ayaa markale dadaal u galay sidii maamulka hawada sare ee jamhuuriyada Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa gacanta dawlada oo waqtigaas ku jirtay ku-meelgaar, waxaase soo galay xilligii doorashada iyo kalaguurka oo hakadgeliyey dadaaladii socday.

Sanad kasta lacag malaayiin doolar ah ayaa ka soo xeroota duulimaadyada mara hawada sare ee Soomaaliya, waxayna lacagtaasi oo aan xisaabcelin laga sameynin ku dhacdaa gacanta guddiga maamula ee CACAS.  Xukuumadihii ku-meelgaarka ayaa marar badan ku cawday in lacagtaasi mushaharaad ay u kala qaataan khubarada ajaaniibta ah ee fadhiya xafiisyada Nairobi iyadoo dawladii lahayd hantidaasna aysan waxba ka faa’idin.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles