Beledweyne(RBC Radio) Saraakiisha ciidamada ee gobolka Hiiraaan ayaa ugu baaqay shacabka gobolkaas iney gacmaha isqabsadaan isla markaane ay is gargaaraan kana wada shaqeeyaan xaqiijinta amniga gobolkaas taliyaha ciidamada booliska gobolka Hiiraan Cali Dhuux Mahad Alla ayaa ugu baaqay shacabka gobolkaas iney is caawiyaan xiligan oo ay gobolka ka jiraan dhibaatooyin badan oo uu ka mid yahay cudurka shuban-biyoodka oo ka dilaacay gobolkaas.
Taliyaha Booliska Hiiraan Cali Dhuux Cabdi Maha Alla ayaa sheegay in shacabka reer Hiiraan looga baahan yahay iney muujiyaan is Caawin,is walaashi,is nabadgalin iyo iney gacmaha is qabsadaan si looga gudbo waayaha adag ee ku xeeran iyo dhibaatada cudurka shuban-biyoodka oo fara ba’an ku haya shacabka gobolkaas.
Cali Dhuux ayaa sheegay in sida kaliya ee lagu gaari karo dowladnimo iyo amni buuxa ay tahay in dhamaan shacabka gobolkaas ay hal meel uga soo wada jeestaan horumarinta gobolka iyo ka shaqaynta xaqiijinta amniga gobolka Hiiraan,wuxuuna xusay in amniga buuxa ee xiligan ka jira magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka uu ku yimi wada shaqaynta ciidamada iyo dadweynaha loona baahan yahay in lasii xoojiyo wadaqashaqayntaas.
Taliyaha ciidamada Booliska Hiiraan Mahad Alla ayaa ka codsaday shacabka gobolkaasi iney ka wada shaqeeyaan sidii loosoo celin lahaa dowladnimadii dalkeena Soomaaliya ee burburtay horaantii sagaashamaadkii markaas oo dalku uu u kala go’go’ay qabaali iyo maamul goboleedyo yar yar.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho