Kismaayo(RBC Radio) Xukuumada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney tayeynayo ciidamada dowlada ee ku sugan gobolada Jubooyinka wasiirka wasaarada gaashaandhiga C/xakiin XAaji Max’uud Fiqi oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa ka warbixiyey kulan uu shalay la qaatay saraakiisha ciidanka Amisom ee ku sugan Kismaayo ee ka socda dalka Kenya.
Wasiirka ayaa sheegay waxyaabaha ay ka wada hadleen saraakiisha ciidamada Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ay ka wadaan dalka Soomaaliya ay ka mid ahaayeen xoojinta xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa ciidamada dowlada ee goboladaas iyo ciidamada Amisom.
C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa sheegay in sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii ciidamada dowlada ee ku sugan gobolada Jubooyinka loogu fidin lahaa tababar,Tayeyn iyo qalabeyn si loo dhiso cududooda isla markaane ay u hantaan hawsha loo igmaday ee ah xaqiijinta amniga deegaanada gobolada Jubooyinka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Wasiirka wasaarad gaashaandhiga ayaa daboolka ka qaaday in sidoo kale ay saraakiisha ciidamada Kenya ka wada hadleen sidii labada ciidan ay iskaga kaashan lahaayeen xoreynta deegaanada gobolada Jubooyinka ee wali ku jira gacanta ururka alshabaab wuxuuna tilmaamay iney isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen saraakiisha hogaaminaya ciidanka Kenya ee qaybta ka ah halgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee Amisom.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho