Muqdisho(RBC Radio) Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku ganacsada wadanka Koonfur Afrika ayaa ka dalbaday dowlada Soomaaliya iney wax ka qabato dhibaatada baaxada leh ee lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed gudoomiyaha JAaliyadaha Soomaaliyeed ee ku ganacsada wadanka Koonfur Afrika C/raxmaan Axmed Cumar ayaa sheegay in Soomaalida ay dalkaasi ku haystaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin dil iyo boob aan kala joogsi lahayn.
Gudoomiayah Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in mawaadiniinta Soomaaliyeed ee ilaa sanadkii 2006 lagu dilay gudaha dalkaas ay gaarayaan (900) boqol oo ruux kuwaas oo uu tibaaxay in si arxan darro ah loogu gumaaday gudaha wadankaas.
Gudoomiyaha Jaaliyada dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in dukaanada la boobay mudadaas ay kor u dhaafayaan ilaa (6,000) kun oo dukaan kuwaas oo gabi ahaantoodba la bililiqeystay wuxuuna tilmaamay in dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku ganacsada dalka Koonfur afrika.
C/raxmaan Axmed Cumar ayaa ka codsaday dowlada Soomaaliya iney dalkaas usoo dirto madax sare oo wada hadal kala yeeshay dowlada dalka Koonfur Afrika dhibaatada qaawan ee lagu hayo mawaadiniinta Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho