Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Maamulka Magaalada Marka oo ka Dalbaday Dowlada iney soo Fara galiso Xaalada Qasan ee Magaaladaasi

$
0
0

Marka(RBC Radio) Maamulka magaalada Marka ee dowlada Soomaaliya ayaa baaq u diray madaxda ugu sareysa dowlada Soomaaliya gudoomiyaha degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose Axmed Macalin Cukaash ayaa sheegay in khilaaf baahsan uu ka dhex taagan yahay maamulka magaaladaasi,wuxuuna ka codsaday in dowlada Soomaaliya iney si deg deg ah wax uga qabato khilaafka ka dhex jira maamulka magaaladaas oo uu sheegay inuu isku bedelay dagaal gacan ka hadal ah.

Gudoomiye Cukaash ayaa sheegay in khilaafka ugu weyn uu ka dhex taagan yahay isaga oo ah gudoomiyaha maamulka magaalada Marka iyo ku xigeenkiisa dhanka amniag,wuxuuna sheegay in habeenkii xalay ay weerar qorsheysan kusoo qaadeen guriga uu ka dagan yahay magaalada Marka isagoona ku eedeeyey in kun xigeenkiisu uu soo maleegay weerarkaas oo uu sheegay inuu soo maleegay ku xigeenkiisa oo uu tibaaxay inuu doonayo inuu ka takhaluso.

Gudoomiyaha magaalada Marka ayaa sheegayin xalka kaliya ee looga baaqsan karo dagaal markale ka qarxa magaalada Marka uu yahay in dowlada Soomaaliya ay soo fara galiso arintan isla markaane ay isbedel iyo isku shaandheyn ku sameyso masuuliyiinta maamulka degmada iyadoo la tashaneysa shacabka magaalada weydiineysana cida ay rabaan iney hogaamiso.

Hadalka gudoomiyaha magaalada Marka ayaa imaanay xili shalay galinkii danbe uu magaaladaasi ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya oo u abaabulan qaab maleyshiyo beeleed  kaasoo geystay dhimasho iyo dhaawac waline ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles