Garoowe (RBC RADIO) Waxaa sida ilo xog-ogaal ahi inoo sheegeen imminka soo gabagaboobey kala saaristii Ururada Siyaasadda Puntland taasoo lagu xulanayey bal cidda buuxisa shuruudaha loo qabtay lixda urur siyaasadeed oo wajiga kowaad ka soo gudbey oo kala ah Horseed, Horcad, Midinimo, Udad, Wadajir iyo PDP. Waxayna ila wareedayadaasi noo xaqiijiyeen in xaflad rasmi ah loogu shaacin doono Todobaadka Soo socda magacyada ururadda shuruudihii labaad buuxiyey oo u gudbey wejiga 3xaad ee doorashooyinka golaha degaamada loona qorsheeyey inay qabsoomaan bisha May ee sannadkan haddii shuruudaha lagama maarmaanka u ah doorashooyinka ay dhammaystirmaan sida aqoonsiga codeeyayaasha, Inkastoo arrintaas hadda muran ka taagantahay suurtogalnimadeeda.
Shuruudaha lagu xiray inay buuxiyaan ururadu waxaa ka mid ahaa In urur walba ka diiwaan geliyo taageerayaal dhan 330 xafiiska uu ku leeyahay gobol walba ugu yaraan shan gobol oo ka mid ah Shacabka ku dhaqan Puntland iyo Inuu xafiis walba ka koobanaado ugu yaraan 2 qol oo ay yaallin qalabka xafiisyada loogu talagalay iyo qaar kale si loo hubiyo kartida uu urur walba u leeyahay inuu hanto ka qayb qaadashada doorashooyinka soo socda.
Haddaba sida wararka horudhaca ah nagu soo gaarayaan waxaa ururka UDAD tartankaas ku muujiyey wacdaro dheeraad, ah oo aan la filayn wuxuuna ka mid noqday Ururada ugu firfircoon ee la filayo in uu kasoo Gudbo Wareega 2baad inkastoo ay jiraan ururo kale oo iyagana aan la yareysan Karin sida Midnimo iyo Horseed waxaase wararku ay tibaaxayaan in 7ka soo socda ay kala Bixi doonaan 6da urur ee mid walba dhankiisa uu doonayo in uu ka mid noqdo Kooxda Soobaxda.
Bisha May ee isla sanadkan oo ay 1Bil oo qura ay inaga xigto ayaa ka dhiman u tartamida Golaha deegaanka ee Puntland in la qabto walina Shacabka lama diiwaan gelin taasoo ah isweydiinta ugu balaaran oo ay dadku isla dhexmarayaan wallow Gudiga Doorashooyinku ay sheegeen in ay ku kalsoon yihhin Hawsha ay hayaan Talaabooyinkaasi iyo kuwo kale oo badanba ay fulin doonaan intaan waqtiga doorashooyinka la gaarin sida ay hadalka u dhigeen.
RBC RADIO.