New York (RBC) Golaha amaanka Qaramada Midoobay ayaa goordhow isku raacay in cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya laga qaaday mudo sanad ah taasoo la rajeynayo inay dawlada Soomaaliya ka caawiso inay dhisto ciidankeeda.
Kulanka xubnaha 15 ah ee golaha amaanka ay maanta ka leeyihiin arrinta hubka ee Soomaaliya ayaa goordhow lagu shaaciyey in dawlada Soomaaliya loo fasaxay hubka yar yar ee fudud inay dawlada ka soo iibsan karto caalamka, iyadoo fasaxaasi uu soconayo mudo sanad ah.
15-ka dawladood ee xubnaha ka ah golaha amaanka Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah isugu raacay qaadista xayiraada. Waxaana go’aanka ku dhawaaqay wakiilka dawlada Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Vitally Charkin oo sheegay in qararaarkan oo tirsigiisu yahay 2093 uu helay 15 cod oo ah inaysan jirin dawlad diiday oo golaha amaanka ka mid ah.
Fasaxan hubka ayaa dhigaya in dawlada soo iibsan karto hubka fudud oo kaliya, kumana jiro madaafiicda, qoryaha hoobiyaasha, hubka habeenkii wax lagu liishaamo iyo hubka lagula dagaalamo taangiyada. Hase yeeshee waxaa dhanka kale dawlada loo fasaxay inay heshiisyo toos ah iyo kuwa deeq ahaan ay hub ugu heleyso la geli karto dawlado iyo shirkado.
Qaadista cunaqabateynta hubka ee goordhow ay ku dhawaaqeen golaha amaanka Qaramada Midoobay ayaa imaaneysa xilli dawlada cusub ee Soomaaliya ay dadaal weyn u gashay sidii ay ugu guuleysan lahayd in cunaqabateynta hubka laga dulqaado si dawlada ay ugu fududaato inay dhisto ciidankeeda qalabkasida.
Dawlada Mareykanka ayaa ahayd xubinta ugu horreysay ee u ololeysay kana dhaadhicisay dawladaha kale ee golaha amaanka ku jira sidii xayiraada hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya.
Dawlada Soomaaliya ayaa hadda looga fadhiyaa, shuruudna looga dhigay inay xakameyso hubka ay keensaneyso isla markaana ay ka ilaaliso in hubkeeda uu gacanta u galo kooxaha argagixisada iyo maleeshiyaadka qabiilka taasoo khatar amni ku noqon karta dalka guud ahaantiis.
Xayiraada hubka ee la saaray Soomaaliya ayaa la soo rogay sanadkii 1992 ka dib markii ay dhacday dawladii dhexe ee dalka, maleeshiyaadkii qabiiladuna ay dagaal la galeen dawlada, taasoo keentay in malaayiin ruux ay dalka isaga barakacaan halka kumanaan kalana ay u dhinteen dagaaladaasi.
RBC Radio