Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid iyo waftigii uu hogaaminayey oo maalmihii danbe ku sugnaa gobolada dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan degmooyinka gobolka Galgaduud oo uu ku joogay socdaal uu ugu kuurgalayey xaaladaha gobolka iyo sidii uu maamulada dowlada Soomaaliya u gaarsiin lahaa dadka deegaanada oo uu usoo dhisay maamulo kumeelgaar ah ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Waftiga R/wasaaraha ayaa waxaa si diiran garoonka ugu soo dhaweeyey wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya R/wasaare Saacid ayaa hoygiisa loo galbiyey isagoon wax hadalk ah saxaafada siin,Cabdi Faarax Shiirdoon R/wasaaraha dalka ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda ka warbixiyo safarkiisii maalmaha qaatay ee uu kusoo maray degmooyinka gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
R/wasaaraha ayaa socdaal ku tagay gobolka Galgaduud isagoona lugta hore ee safarkiisa ku bilaabay degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud halkaasoo uu wada hadalo kula yeeshay masuuliyiinta ahlu sunna iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaas iyagoona isla meeldhigay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen labada dhinac.
Intaa kadib ayaa R/wasaaraha iyo waftigiisa waxa ay u jeheysteen degmada Caabudwaaq ee galbeedka gobolka Galgaduud halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey iyadoona ay magaaladaas heshiis ku kala saxiixdeen dowlada iyo ahlu sunna kaasoo ku saabsan in ahlu sunna ay si rasmi ah uga mid tahay dowlada Soomaaliya.
Lugtii ugu danbeysay ee safarkiisa Galgaduud ayuu R/wasaaruhu maanta duhurkii ku gaaray magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey,RW Saacid ayaa Cadaado wada hadalo kula yeeshay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaas isagoona galinkii danbe ee maanta usoo amba baxay magaalada Muqdosho oo uu soo gaaray galankii danbe ee maanta.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho