Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Hay’ada Nabad Sugida oo Soo Bandhigtay Dhalinyaro Qirtay iney Alshabaab ka Tirsan Yihiin

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Hay’ada nabad sugida Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay 4 dhalinyaro ah oo qirtay iney ka tirsan yihiin kooxda alshabaab kuwaas oo gacanta lagu soo dhigay xili ay faraha kula jireen falal amni darro dhalinyarada ayaa lala soo qabtay hub iyo waxyaabaha qarxa oo ay ku qalqal galinayeen amniga magaalada Muqdisho waxayna sheegeen iney ka tirsan yihiin alshabaab.

Max’ed Daahir Max’uud oo ka mid ah 4-ta dhalinyarada ah ee ay maanta soo bandhigtay hay’ada nabad sugida ayaa qirtay inuu ka tirsan yahay alshabaab isla markaane ay ciidanku soo qabteen xili uu bam tuurayey wuxuuna sheegay in ragga kale ee lasoo bandhigay ay yihiin saaxiibadii ayna ka wada tirsan yihiin alshabaab.

Max’ed Daahir ayaa la weydiiyey waxa ku khasbay inuu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed kana qayb qaato falalka amni darro ee lagu cabsi galinayo shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in si khasab ah ay alshabaab u hawlgaliyeen sida uu sheegay wuxuuna tilmaamay in loogu hanjabay qoorta gala jari doono hadii uusan lashaqayn alshabaab cabsi darteedna ay ku khasabtay inuu falkaasi ku dhiirado sida uu sheegay.

Dhalinyarada lasoo qabtay ayaa waxaa qaarkood laga soo qabtay guryihii ay daganaayeen Miinooyin iyo waxyaabaha qarxa oo ay ku farsameynayeen kuwaas oo loogu tala galay in qaraxyo iyo dhibaato looga geystao gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya,hay’ada nabad sugida ayaa marar badan ku guuleysatay soo qabashada dhalinyaro ka tirsan kooxda alshabaab oo falal amni xumo ka geysanayey magaalada Muqdisho.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles