Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidamada Amisom oo ka Warbixiyey Qorshahooda ku Aaddan Deegaanada ay ka Bexeen Ciidanka Ethiopia

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom ayaa shaaca ka qaaday qorshahooda ku saabsan deegaanada ay banneeyeen ciidamada dowlada Ethiopia ee gobolada Baay iyo Bakool afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta Amisom Col.Cali Aadan Xumud ayaa daboolka ka qaaday waxa uga qorsheysan ciidanka Amisom deegaanada ay ka bexeen ciidamada dalka Ethiopia.

Col.Cali Aadan ayaa sheegay in Amisom ay ku jiraan diyaar garow ay ku doonayaan iney kula wareegaan deegaanada ay ka bexeen ciidanka Ethiopia wuxuuna ballan qaaday in Amisom ay gaari doonto goob walba oo ka tirsan dalka Soomaaliya oo laga soo sheego dhibaato amni xumo oo lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.

Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom Cali Aadan Xumud ayaa hoosta ka xariiqay in ciidanka Amisom ay u taagan yihiin gacan siinta shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed isagoona tilmaamay iney dalka u joogaan sidii ay dowlada Soomaaliya uga garab siin lahaayeen hanashada amniga dalka iyo soo celinta shuruucdii iyo kala danbeyntii dalka.

Xumud ayaa sheegay iney wadaan abaabulkii ugu danbeeyey oo ay ku doonayaan iney ku gaaraan magaalada Xudur iyo deegaanada kale ee gobolada Baay iyo Bakool ee ay hada ka arimiyaan ciidanka ururka alshabaab,wuxuuna ballan qaaday iney dhawaan la wareegi doonaan goobaha ay wali alshabaab ku hayaan gacanta ee goboladaas.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles