Baydhabo(RBC Radio) Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta kulamo kula qaatay magaaladaas maamulka gobolka Baay,xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeeda deegaankaas ee ku sugan magaalada Baydhabo iyo sarkaalka ugu sareeya ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolada Baay iyo Bakool.
Gudoomiyaha Max’ed Sh Cismaan Jawaari ayaa ku sheegay ujeedka socdaalka uu ku joogo magaalada Baydhabo inuu salka ku hayo mideystay masuuliyiinta iyo bulshada gobolka Baay oo isku maandhaafsan maamulka cusub ee kumeelgaarka ah ee dhawaan loo magacaabay gobolkaas iyo xil ka qaadista lagu sameeyey maamulkii hore.
Kulamada ayuu sidoo kale la qaatay waxgaradka iyo odayaal dhaqameedka gobolka Baay kuwaas oo uu maanta shir kula yeeshay Hoteelka Bakiin ee magaalada Baydhabo waxaana la sheegaya in odayaasha iyo waxgaradka magaalada ay usoo gudbiyeen dalabaad dhowr ah gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Kadib markii uu soo saaray wareegto uu xilka kaga qaaday gudoomiyihii gobolka Baay C/fataax Geeseey gudoomiye Jawaari xili uu madaxweynuhu ku maqnaa safar isne uu ahaa ku simaha madaxweynaha dalka ayaa waxaa ka dhashay khilaaf weyn oo aan qarsooneen shir ay shalay wada yeesheen xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeeda gobolkaas oo hore usii joogay iyo gudoomiye Jawaari ayaa ku dhamaaday is af-garan waa kadib markii la isku khilaafay sida loo xalin lahaa madmadowga soo kala dhexgalay siyaasiyiinta gobolka Baay loona soo celin lahaa midnimada masuuliyiinta iyo shacabka gobolka Baay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho