Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa ka hadlay is casilaada agaasimhii hay’ada nabad sugida qaranka ayaa sheegay inuu ka aqbalai istiqaalada Axmed MAcalin Fiqi oo ahaa agaasimihii guud ee hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida dowlada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sh ayaa sheegay in xilka agaasimaha hay’ada nabad sugida uu u magacaabay si kumeelgaar ah wuxuuna tilmaamay inuu u magacaabay nin uu magiciisa kusoo koobay C/kariim.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Macalin Fiqi uu usoo gudbiyey waraaqda istiqaalada isla markaane uu ka ogolaaday wuxuuna hoosta ka xariiqay in shaqada hay’ada nabad sugida ay u hayso shacabka Soomaaliyeed aysan joogsan doonin.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho