Kismaayo[RBC Radio]Warar laga heelayo maamulka KMG ah ee magaaladda Kismaayo ayaa soo sheegay in dibu dhac uu kuyimid safar uu maantay magaaladda Kismaayo ku iman lahaa Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid kadib markii sida ay sheegen qar kamid ah masuuliyinka maamulka Kismaayo uu Raysal wasaarahu uu howla shaqo uu baajiyay safarkiisa imatin oo maantay oo Isniin ah lugu waday inuu ku gaaro magaaladda Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Macalin xaashi Cabdiraxmaan oo ka mid ah masuuliyinta maamulka KMG ah ee magaaladda Kismaayo ayaa warbaahinta uu sheegay in dibu dhac uu ku yimid safar lugu waday inuu maantay kusoo garo magaaladda Kismaayo R/wasaaraha Soomaaliya Saacid,waxana uu intaasi ku daray inuu dibu dhacan uu yimid kadib howlasho oo uu R/wasaaruhu yeeshay waasida uu hadalka uu dhigaye.
Dhinaca kale waxaa uu waxba kamajiraan ku tilmaamay marlaweydiiyay in baaqashadan ay ku sal leedahay arimo siyaasaded waxana uu sheegay inaysan jiriin arimahaasi isagona intaa ku daray in siweyn la isugu diyaariyay soo dhaweynta R/wasaaraha.
Baaqashada safarka R/wasaaraha ayaa lugu sabbabeeyay safaro ay ku kala maqanyihiin madaxda ugu saraysa ee dalka.
Magaaladda Kismaayo waxaa xiligaan kusugan wafti dowladda ah kuwaasi oo maalinti shalay ahyeed gaaray magaaladda waxana ay gogal xaar uu ahyeen socdalka R/wasaare Saacid ee lugu wado inuu Kismaayo ku taago.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio Xafiiska wararka Gaalkacyo