Burtinle[RBC Radio]Degmada Burtinle ee gobolka Nugaal waxaa maantay garay wafti heer wasiiro ah oo kasocday xukuumada Puntland waftigan waxaa horsocday wasiirka arimaha gudaha Cabdulahi Axmed (Ilka-jir)waxan qaybka ahaa wasiirka ammaanka Puntland,wasiirka Beeraha,wasiirka waxbarashada iyo xubno kale oo musuuliyin ah.
Waftigaan ayaa xiligii ay gaaren degmada Burtinle waxaa si diiran usoo dhaweeyay maamulka cusub ee degmada iyo boqoolal kale oo dad weynaha reer Burtinle ah.
Waftigaan ayaa xiligii ay gaaren Burtinle waxaa loo galbiyey xaruunta degmada halkaasi oo ay kulamo kula qaaten maamulka dhawaan loosameeyay degmada Burtinle iyagoona kawada hadlay baahiyaha kajiraa degmada waxnaa ay si dheer ufalanqeeyen xalada degmada Burtinle.
Guddoomiye kuxigeenka degmada Cabdirishiid Xuseen Xasan yaa hadalka ku hormaray waxana uu ugu horeen soo dhaweeyay waftigan isagona sharaxaad kabixiyay xaaladda ay ku sugantahay degmada Burtinle maadama dhawaan loo sameeyey maamul cusub waxana uu intaasi uu ku daray guddoomiye kuxigeenku in ay jiraan baahiyo kala gadisan oo ay degmadu qabto isagona tilmaamay inay baahiyaha kamid yihiin adeegyada amniga iyo siddo kale adeegyada arimaha gudaha ee degmada waxana uu ugu baaqay wasiirada kasocday amniga iyo arimaha gudaha inay baahiyahaasi wax ka qabtaan.
“Degmada Burtinle waxaa kajira isbadal balaaran inkastoo ay jiraan bahiyo kala gadisan oo ay degmadu tabanayso,waxaa nasib wanag noo ah in wafti balaaran oo anu lakulankooda anu ubahneen ay ina soo gaaren waxana jeclan laheyn in amniga oo anuu bahiyo kadareemeyno iyo sidoo kale bahiyo dhanka arimaha gudaha oo ay degmadu tabanayso waxana cudsanayna inay wasiirado arimahaasi wax ka qabtaan”waxaa intaas hadalkisa ku sheegay Guddoomiye kuxigeenka degmada Cabdirishiid Xuseen Xasan.
Wasiirka arimaha gudaha Cabdulahi Axmed (Ilka-jir) oo hadal kajeediyay madashaa ayaa sheegay in ka wasaaradd ahaan ay isku dayaa yan inay buxiyaan dhamanbaa baahiya wasaaraddoda laga tabanayo,waxana uu madasha ku balan qaaday in degmada dhawan ay soo garsiin doonan gaari ay degmadu uu isticmaasho nadaafada gaarigasi oo ah nooca iskarogada loo yaqaano.
“Ka wasaaradd ahaan waxan ku dadaalaynaa inan buuxino dhamanba baahiyaha ad naga tabanaysan sida ugu dhaqsiyaha badana waxan degmada soo garsiin doona gaari ad nadaafada u isticmashaan”waxaa intaasi ku soo qaday hadalkisaa Wasiirka arimaha gudaha Cabdulahi Axmed (Ilka-jir).
Ugu danbeeyntii waxaa isna dhankiisa hadal soo jediyay wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan waxana uu sheegay inay ku farax san yihiin imaatinkoda ay yimaaden Burtinle,waxana uu intaasi kadib uu balanqaad usoo jeediyay maamulka degmada waxana uu wasiirku ubalan qaaday in wasaaradda amnigu ay demada keeni doonto gaari ay isticmaalan Booliska degmada maadama ay kamid tahay baahiya ay soo jeediyeen maamulka degmada Burtinle.
“Waxan ku faraxsanahay inan imaano degmada Burtinle waxana dhankena kawasaaradda ahaan aynu degmada keeni doona gaari ay isticmaalin booliska degamada baalanqadka an sameenay dhaqso ayeenu uga soo jawaabi doona”waxaa isna hadalkiisa intaas kusoo afmeeray wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan.
Si kastaba ma ahaa marki ugu horesay oo wafti heer wasiiro ah oo ay garaan degmada Burtinle iyadona mudadan danbe ay soo noqnoqonayen wasiiro kasocda xukuuumada si ay ugu kur galan xaaladaha ay ku sugantahay degmada,inkasto dhawan degmada isqab qabsi maamul kadib loo sameeyay maamul cusub oo ay yeelato degmada Burtinle.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio Xafiiska Wararka Gaalkacyo