Roobab lagu diirsaday ayaa ka da’ay gudaha iyo hareeraha degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe roobka ka da’ay magaalada ayaa waxaa si weyn ugu diirsaday dadka iyo duunyada kunool magaalada Jowhar iyo daafaheeda.
Roobabka ayaa bilowday shalay waxayn si xiriir ah u da’ayeen ilaa xalay galinkii danbe dadka ayaa ku diirsaday roobka waxaana maalmihii danbe laga soo sheegayey abaaro iyo biyo la’aan ba’an oo laga soo sheegayey deegaano badan oo hoos yimaada degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.
Roobabka mahiigaanka ah ee ka curtay magaalada Jowhar ayaa waxay dhibaato u geysteen barakacayaasha ku jira xaafada magaalada kuwaas oo aan haysan hoy ay ka galaan dhaxanta iyo qabowga dhibicda roobka waxaana lasoo sheegayaa in barakacayaashaasi ay haysato dhibaato aan lasoo koobi karin.
Roobka xiliga guga ayaa ka curtay gobolo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya shacabka magaalada Jowhar oo u badan beeraley ayaa u diyaar garoobaya tacbashada beerahooda xioliga guga ee sanadakan.
RBC Radio
XAfiiska Wararka Muqdisho