Dhuusamareeb[RBC Radio]Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay inay a cafis u fidiyay nin ka mid ahaa Al Shabaab oo muddo 5 bilood ah ku xirnaa saldhigga degmada Dhuusamareeb.
Sii deynta ninkaan horey uga tirsana Al Shabaab ee ay sii dayeen Ahlu Sunna,waxaa ay timid sida la sheegay ka gadaal markii codsiyo kala gadisan uu ka yimid waalidkii oo dalbanayey in la cafiyo wiilkooda ayna damanad qaadayaan inusan dib ugu laaban doonin Al Shabaab oo la dagaallama Ahlu Sunna iyo ciidamada dowladdadaba.
Shir uu saxaafadda u qabtay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha fulinta maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca, Axmed Cabdullaahi Maxamuud (Axmed Ilkacase) ayaa lugu xaqiijiyey daysmadaan ninka horey uga tirsanaa Al Shabaabka.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha fulinta maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca, Axmed Cabdullaahi Maxamuud (Axmed Ilkacase) waxaa uu inta ku daray in maamulka Ahlu Sunna uu soo dhoweynayso cid kasta oo ka soo laabata fikradaha qaldan ee maleeshiyada Al-Shabaab.
Ninka xilligaan dib xoriyadiisa loo siyey ee ka tirsana ururka Al Shabaab ayaa waxaa lugu magacaaba Cabduqaadir Cabdi Axmed,waxaana hadal uu isna saxaafadda siiyay uu ku sheegay in uu ku faraxsan yahay cafiska ay u fidisay Ahlu Sunna, isagoo tilmaamay in markii hore la qalday, wuxuuna dhallinyarada Soomaaliyeed ku boorriyay in ay ka digtoonaadaan ku biirista Al Shabaab.
Xabasiyada ku yaalla guud ahanba Soomaaliya waxaa muddo ku xir xiran boqollaal dhallinyaro ah kuwaaso loo haysto inay ka tirsanyihiin Al Shabaab,inkasto dowladda iyo maamulada dalka ka jira ay sheegen in cidii ka soo tagta Al Shabaab ay soo dhaweynayaan.
________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho