Jubba[RBC Radio]Sida ay sheegayan Soomaalida ku nool dalka South Sudan,waxaa saameeyn xoogleh ku reebay dagaallada wali dalkaasi ka sii soconaya,waxaana dagaallada dalka ka dhacay ay yihiin kuwo u dhexeeya xubnaha mucaaradka ee u hoggaamiye madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka iyo madaxweynaha talada haya ee Selve ker.
Soomaalida ku nool dalkaas ayaa inta badan ah kuwo ganacsato ah oo ganacsi kala duwan ku leeh magaaloyinka waa weyn ee dalkaasi South Sudan,waxaana xilligaan xiran tan iyo markii ay bilowden dagaallado dhamaanba goobohoodi ganacsiga.
Qaar ka mid ah ganacsatada xilligaan uu xiran yahay ganacsigoodi dagaallada socda aawadood oo la soo xiriiray Raxanreeb Online,ayaa sheegay in cabsi xoogan ay ka qaban haddii ay dib u furaan ganacsigooda in boob iyo dhac loo gesto,maadamaa ay wali sii socda rabshadihii dalkaasi ka dhacayey.
“Guud ahaan Soomaalida ganacsata oo an anigu ka mid ahay ee ku nool dalka South Sudan,way xiran yihiin cabsi aawaded,waxaa sii socda wali dagaallada waana ay sii fidayaan maalinba maalinta ka danbeysa,waxana la oran kara saameeynta ugu xooggan anaga ayuu nugu yeeshey,ajnibta kale waa ay ka baxayan dalkaan,balse anaga qaab an maalkena iyo naftena ugala soo baxno ma naqaan”ayuu yiri Yuusuf Cali oo ka mid ah Soomaalida ganacsiga ku leh magaalada caasumada ah ee Jubba.
Cabashada ganacsatada Soomaaliyed ka soo yeeraysa waxaa ay imaanaysa xilli uu sii xoogaysanayo dagaalka ka socda dalkaasi South Sudan,waxaana inta ay dagaallada socdeen la sheegay in turi taboneeyo Soomaali ah ay geryooden.
_________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho