Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19831

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodey badalida guddoomiyayaasha gudiyada joogtada ah

$
0
0

Muqdisho[RBC Radio]Kulan ay maanta magaalada caasumada ah ee Muqdisho ay ku yeesheen mudaayaasha baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ka dooden  mooshin ku saabsan badalida gudoomiyayaasha gudiyada joogtada ah ee barlaamaanka.

Kalgadhigii maanta Xildhibaannadu waxa ay guda galeen ka doodista mooshin ay sooo jeediyeen xidhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo la xiriiray guddoomiyeyaasha gudiyada joogta ah ee baarlamaanka, waxaana mooshinkaasi mudanayaasha u faah faahiyay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim oo ka mid ahaa xildhibaannadii mooshinka soo saxiixay.

“Mudada xilka guddoomiyeyaasha, kuxigeenada iyo xog-hayeyaasha waa halsano oo ka bilaabata furitaanka kalfadhigii hore ee sanadkan bishii February, waxa ayna ku egtahay furitaanka kalhore ee sanadka xiga, iyaga oo dooranaya hogaanka sanad walba oo ah gudiyada joogtada ah” ayuu xildhibaanku hadalkiisa ku daray.

Xildhibaanada ayaa fikiro kala duwan ka dhiibtay mooshinka hor yaalley iyagoona afkaro kala gadisan dhibtay,waxaana doododa ay ku  guddo galeen ka dhiibashada afkaartooda ku aadan mooshinka, iyadoo qaar ka mid ah mudanayasha baarlamaanka ay soo jeediyeen in aysan habooneyn in gudiyada joogtada ah isbadal lagu sameeyo sanad kasta, halka kuwa kalena ay sheegeen inay arrintaan muhiimtahay oo gudiyada la badalo sanadkiiba mar si howlaha baarlamaanka ay ku socoto si hufnaan ah.

Dooda xildhibaanada kaddib  ayuu guddoomiyaha gollaha shacabka  Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu sheegay in arrintaan ay xildhibaannadu guda geli doonaan islamarakaa maalinta berito ah ay mudanayaasha go’aan ka gaarayaan.

“Waxaan soo jeedinaya in codeynta xildhibaannadu ay iminka yar yiihiin, islamarkaana aan berito ku bilaabanyo mooshinkaan, lana wargeliyo xildhibaannada si shaqada ugu horeys ay noqota codeynta mooshinkaan” ayuu gudoonka hadalkiisa ku daray.

Xildhibaanada ayaa guda galay ajandaha labaad oo ahaa aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda daraasaadka badaha Soomaaliyeed, iyadoo xildhibaannadu soo jeediyeen talooyin iyo su’aalooyin ku saabsan dhismaha hay’addaan.

Guddoomiyaha hay’adda daraasaadka Soomaaliyeed oo ah taliyihii hore ee ciidanka badda Soomaaliya Admiraal Faarax Axmed Cumar Faarax Qare ayaa xildhibaannada uga jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen, isagoo sheegay inay qaadanayaan talooyinkii ay soo gudbiyeen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Intaasi kaddib guddoomiyaha xaquul insaanka, arrimaha beni’aadanimada, carruurta iyo haweenka ee baarlamaanka Soomaaliya Xidhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa mudanayaasha baarlamaanka warbixin kooban ka siisay latashiyada dadweynaha ee ku saabsan xeerka xaquuqda aadanaha ee dalka oo hindise sharciyeed ahaan ay gudigooda ku howlanaayeen.

Si kastab baarlamaanku waxaa ay bari yeellan doonan kulankooda ay ku dhameystirayaan doodahoda.
______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19831

Trending Articles