Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19854

Madaxweyne Xassan Sheekh oo kormeer ku taggay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga

$
0
0
Madaxweynaha oo boqdey wasaaradda gaashaandhiga

Madaxweynaha oo boqdey wasaaradda gaashaandhiga

Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta wasaarada gaashaandhiga ee Soomaaliya,waxaana socdalkiisa ku waheliyey xubno ka tirsan dowladda.

Kormeerka uu madaxweynaha ku taggay  Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga,ayaa la sheegay inuu la xiriiray u kurgalida  qaybaha ay ka kooban tahay Wasaarada,waxaana uu lugta mariyey xarumaha ku dhex yaalla wasaaradda,isagoona wax ka ogaanayey sida ay ku shaqeeyana xarumaha wasaaradda.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa inta uu ku gudajiray kormeerkisa uu ku tagay wasaaradda gaashaandhiga,waxaa uu la hadlay  boqollaal ka tirsan Ciidamada Militariga ee Dowladda, oo uu ku booriyay in ay u diyaar garoobaan dagaallo ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Waxaa uu hadalkiisa uu ku soo qaaday madaxweynaha  in ay dowladiisu qaadi doonto hawlgalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, si looga sifeeyo goobaha ay kaga sugan tahay Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya.

Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa Ciidanka ku bogaadiyay in ay ogsoonaadaan, in ay yihiin kuwii maanta dalkaan ka xorayn lahaa Ururka xiriirka la leh Shabakada tunta weyn ee Al-qaacida.

Intaas kaddib madaxweynaha waxaa uu shir gaar ah la qaatay saraakiisha Militariga,waxana la sheegay shir kaasi inuu la xiriiray sidii xal looga gaari lahaa deegaannada wali ay ku harsanyihiin Al Shabaab.

_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19854

Trending Articles