Janaale [RBC Radio] Kooxo hubeysan ayaa xalay dagaal uu ku dhexmaray labo deegaan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose oo beryahan ay xiisado colaadeed ka taagnaayeen.
Degmada Janaale ayaa dabley aan la garan waxay weerareen magaalada iyagoo gubay saldhiga booliska ee degmada Janaale. Wararka qaar ayaa sheegaya in dableyda weerarkan geysatay ay ahaayeen maleeshiyaadka Al Shabaab.
Dhinaca kale dagaal kooban ayaa ciidamada dawlada iyo kuwa Al Shabaab waxaa uu ku dhexmaray deegaanka Lafoole oo ku yaalla duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Ma jirto cid ka hadashay dagaaladan, waxaana saaka degan goobaha uu dagaaladu ka dhexeen, iyadoo khasaaraha dadka ka soo gaaray weeraradan aysan weli caddeyn.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho