Kismaayo[RBC Radio]Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose,waxaa lugu xiray mid ka mid ah wariyaasha ka howlgalijiray.
Wariyahaan ayaa waxaa xiray ciidamada amniga ee maamulka Jubba,waxana lugu magacaaba Aadan Maxamed Salaad (Aadan Kismaayo) ,waxana uu ka mid yahay wariyeyaasha Taleefashinka Qaranka iyo Raadiyaha Kismaayo ee dowladda.
Waxaa la sheegay in ciidamada amniga ay qabteen wariyahaan xilli uu la socday Gaari uu watay,waxaana la sheegay in ciidan ka tirsan kuwa maamulka ay joojiyeen, kuwaas oo ku war-geliyay inay hayaan warqadda oggolaanshaha xariggiisa.
Wariyahaan ayaa la sheegay in loo gudbiyay xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo. lama oga sababta ka dambeysa xariggiisa.
Xariga wariyaha ayaa dhacay shalay galinkii danbe,mana jirto wlai wax war ah oo ay maamulka ka soo saaren xariga Aadan Maxamed Salaad (Aadan Kismaayo).
______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho