Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19831

Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay inay la xisaabtamayaan xukuumad kasta oo ka gaabisa waxa loo igmaday

$
0
0

85C76BC4-C4EE-4D07-80C1-F1AFCC101EBC_w640_r1_s_cx0_cy18_cw0Muqdisho[RBC Radio]Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa si cadd u sheegay inay la xisaabtamayaan xukuumad kasta oo ka gaabisa waxa loo igmaday,tii ka soo bixi weyday shaqadeedana codka kalsoonida ay kala laabanayaan.

Yaasiin Cabdi Seed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa wareysi uu bixinayey waxaa uu ku soo qaaday wax sahlay si aqlabiyad ah in ay kalsoonidii ugala laabtaan R/wasaare Saacid, midka cusub ku meelmariyaan,waxana uu inta ku daray inay ku saxnaayeen go’aankii ay ku rideen raysul wasaare Saacid.

“Ujeedada baarlamaanka waxaa ay tahay inay la xisaabtamayaan xukuumad kasta oo ka gaabisa waxa loo igmaday,dalka mar walba waa mid u baahan wax qabad inuu helo,balse ma doonayno dibu dhac inuu ku yimaado,wayna naga go’antahay inan ka soo baxno waajibka ay na saaren shacabka Soomaaliyed ee an wakiilka u nahay”ayuu yiri xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed.

Sidoo kale xildhibaanku Yaasiin Cabdi Seed,waxaa uu xaqiijiyey in khudbadii uu jeediyey raysalwasaaraha cusub Dr. C/wali Sh Axmed aysan ku qiimayn doonin balse ay u fiirin doonaan xukuumadda uu soo dhiso iyo waxqabadka ay la timaaddo, ayna furan tahay dhabbihii R/wasaarihii hore qaaday haddii ay yimaadaan wixii hore wax la mid ahi.

“Baarlamaanka kuma qiimeyn doonan raysalwasaaraha cusub Dr. C/wali Sh Axmed,khudbadii uu ka hor jeediyey  balse waxay  u fiirin doonaan xukuumadda uu soo dhiso iyo waxqabadka ay la timaaddo, wayna a furan tahay dhabbihii R/wasaarihii hore qaaday haddii ay yimaadaan wixii hore wax la mid ahi”ayuu ku daray hadalkiisa xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed.

Hadalka xildhibaanka ayaa yimid kaddib markii dhawaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay is aqlabiyad leh ku ansixiyeen raysul wasaaraha cusub ee uu soo magacaabay madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19831

Trending Articles