Gedo(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya iyo ut=rurka alshabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Gedo Gudoomiyaha degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo Iimaan Cadow Kaariye ayaa sheegay in ciidanka dowlada Soomaaliya ay guul ka gaareen dagaalka ka dhacay deegaanka Birta-dheer ee duleedka magaalada Garbahaarey.
Iimaan Cadow ayaa sheegay iney alshabaab ka dileen 4 ruux isla markaane ay ka gubeen gaadiid dagaal wuxuuna sidoo kale sheegay iney alshabaab kala wareegeen hub fara badan oo uu sheegay iney uga carareen goobihii lagu dagaalamay,wuxuuna sheegay iney la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Birta-dheer oo uu dagaalku ka dhacay.
Dhanka kale afhayeenka ururka alshabaab ee dhanka hawlgalada C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in alshabaab ay dagaalka ka gaareeno guulo wax ku ool ah isagoona tilmaamay in dhanka ciidamada dowlada ay gaarsiiyeen khasaare lixaad leh sida uu sheegay.
Abu Muscab ayaa sheegtay in ciidanka alshabaab ay gacanta ku hayaan goobihii lagu dagaalamy isla markaane ay jabiyeen ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Ethiopia oo duulaan ku qaaday deegaanka Birta-dheer oo fariisin u ahayd ciidamada alshabaab.
Afhayeenka alshabaab ayaa sheegay iney dagaalka ku dileen askar badan oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya wuxuuna sheegay iney iyagu lahaayeen gacanta sare ee dagaalka wuxuuna wacad ku maray iney wadayaan dagaalada ay kala horjeedaan dowlada Soomaaliya iyo ciidamada kaalinaya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho