Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in dawladu ay amartay inaan askarta gasha dembiyada kaliya aan la maxkamadeynin ee lala maxkamadeeyo saraakiishooda.
Madaxweynaha oo hadal u jeediyey 500 askari oo ka mid ah ciidamada dawlada oo dhowaan tababar ugu soo dhammaaday wadanka Uganda ayaa wuxuu sheegay in karaamadii iyo sharaftii ay ka tagtay ciidamada iyo saraakiishooda kadib markii, buu yiri madaxweynuhu ay bateen dhibaatooyinka ay geystaan qaar ka mid ah askarta dawlada.
“Iyagoo dhimanaya oo furinta jooga oo naftooda huray ayey haddana magacxumo qaateen.” ayuu yiri madaxweynaha oo hadal ka jeedinayey xarunta taliska militariga ee Villa Baydhabo maalintii shalay [Axad].
“Askari xun ma jiree ee sarkaal xunaa jira,.. waxaan bixinay amaro cad cad oo aan ku niri maxkamada inaan la maxkamadeyn askari aanu la socon sarkaalkiisa.” ayuu yiri madaxweynaha oo ballanqaaday inaysan dhici doonin in askari kaliya loo qabsado dembi dhac, dil, kufsi iyo isbaaro uu dhigtay wixii hadda ka dambeeya.
“Ama waa askari baxsad oo xerada ka baxsaday oo la ogyahay, kadibna waa la baafiyey sidaasaa lagu qabtay laguna maxkamadeynayaa.” ayuu sii raaciyey madaxweynaha oo diiday in askariga keligiis loo maxkamadeeyo dembiyada uu geysto.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaan la aqbali karin in sarkaal baabuur cad ku wata Muqdisho habeenkiina guri nal leh jiifsanaya haddana ciidankii uu madaxda u ahaa ay duurka ku jiraan dadkana dhacayaan. DAAWO SAWIRO
“Waxaan u qaadaneynaa in kaasi uu raali ka yahay in Shabaab ay sii joogaan.” ayuu yiri madaxweynaha.
Isbaarooyinka u yaalla ciidamada
Mar uu ka hadlayey dhibaatooyinka ugu dambeeyay ee ay geysteen askarta dawlada ayuu soo qaatay isbaarooyinka tirada dhaafay ee la soo dhigtay wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho, Jowhar illaa Muqdisho iyo wadada Marka tagta halkaasoo gaadiidka iyo dadka shacabkaay qaati ka taagan yihiin maritaankooda.
“Macquul ma ahan in maalin kasta xafiisyada naloogu yimaado oo nala yiraahdo jidka Jowhar isbaaro ciidanka Xoogga Dalku leeyihiin ayaa taalla.” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu saraakiishii iyo askartii dhageysaneysay hadalkiisa weydiiyey inay doonayaan in ceebta hadda ay huwan yihiin ciidamada laga gudbo iyo in la sii dhex taagnaado iyadoo askartii dhageysaneysay ay ku jawaabeen in laga gudbo baalkaasi madow.
“Waxay ahayd in ciidanka difaacaan xuduudaha, hawada wadanka iyo badaha haddana waxaan mareynaa sidee hooyada Soomaaliyeed ee dambiisha suuqa u wadata ee kiilo hilib ah carruurteeda u soo iibsaneysa looga badbaadin lahaa in mid xunoo ciidanka ka mid ah uusan uga qaadan lahayn.” ayuu yiri madaxweynaha.
Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo dawlada cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay sheegtay inay dhexda u xiraneyso dhismaha iyo qalabeynta ciidamada qalabkasida ee dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho