Capetown(RBC Radio) Wararka ka imaanay wadanka Koonfur Afrika ayaa ku waramaya in 24-tii saac ee ugu danbeeyey in dalkaas lagu dilay 2 mawaadin oo Soomaaliya meel 30 Km u jirta magaalada Capetown ee wadanka Koonfur Afrika aaa waxaa lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Xasan Sabriye oo 26 sano jir ahaa.
Wiilka ayaa la dilay iyo dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed ayaa goobta ku lahaa dukaan waxaana la sheegay in dukaanka ay gudaha usoo galeen rag Koonfur Afrikaan madow ah kuwaas oo ka dalbaday dhalinta Soomaaliyeed ee dukaanka ku sugnaa iney ka iibiyaan sigaar balse dhalinyarada oo tuhmay in ragaasi ay damacsan yihiin ujeedo kale ayaa ka biyo diiday dalabka ragaasi.
Nimankii u dhashay dalka Kooonfur Afrika ayaa intaa kadib lasoo baxay Bistoolado iyo Baangado waxayna rasaas ku fureen dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ku sugnaa dukaanka ay ku lahaayeen duleedka magaalada Capetown waxaana goobta ku ruux baxay marxuum Yuusuf Xasan Sabriye.
Dhacdada xanuunka badan ee ay liqi waaweyn Soomaalida dalka Koonfur Afrika ahaa ahayd markii la wargilayeye ciidamada Booliska oo ay goobta soo gaareen ayaa halkii laga sugayey iney soo qabtaan agacn ku dhiiglayaashii dilka u geystay ganacsatada Soomaaliyeed ayey ganaax u jareen dukaanka uu lahaa wiilka geeriyooday iyagoona sheegaya in dukaanku uu ahaa mid sharci darro ah.
Ganacsade kale oo Soomaaliyeed oo aysan inoo suurta galin inaan helno magaciisa ayaa isne lsne lagu toogtay wadanka Koonfur Afrika dilalka iyo dhaca loo geysanayo Soomaalida aaa kusii badana ganacsatada Soomaaliyeed ee ku ganacsatada dalkaas.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho