Maxamed Abshir Muuse: Aabbaha Ciidanka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Shire Sumba
shiresumba@yahoo.com
Diseembar 22 2013
Deceembar waa bisha loo deabbaal dego, lana haybeeyo ciidanka booliska Soomaaliyeed. Haddaba waxaan doonayaa maqaalkan si gaar ah inaan ugu xuso aabbaha ciidanka booliska Soomaaliyeed. Waa aasaasaha ciidanka Boolika Soomaaliyeed mudane Janaraal Maxamed Abshir Muuse Haamaan. Gobalka Minasoota ee cariga Ameerika, gaar ahaan xaafada Edin Prairie waxaa ku nool mudane janaraal maxamed Abshir Muuse Haamaan, oo ah aabbaha, aasaasaha islamar ahaantaana dhidabada u aasay ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Goortii la isku daray ciidankii British Somaliland Scouts la oran jirtay ee ka dhisnaa dhinaca waqooyi ee Soomaaliya, ha yeeshee ku hoos jirtay gumeysigii Ingiriiska iyo ciidankii Police Corps of Somalia, laga soo bilaabo sanadkii la aasaasay ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee 1943 iyo sanadkii 1960 oo ah sanadkii ay Soomaaliya qaadatay madax-bannaanida. Sanadkii 1960 kolkii la isu dhafay, la iskuna daray labada ciidan ee Waqooyi iyo Koonfur Soomaaliya ee xilligaas tiradooda lagu qiyaasay in ka badan afar kun oo rag ah waxaa ka dhashay CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED. Waqtigaas wixii ka danbeeyey ahna 1960 oo ay Soomaaliya xornimo hanatay taliyihii ugu horeeyey ciidanka booliska gacan adag ku hayey wuxuu ahaa Janaraal Maxamed Abshir Muuse “Haamaan.” Wuxuu Maxamed Abshir ahaa ama noqday janaraalkii ugu horeeyey ee hoggaamiya ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Ka hor inta aan gunta loo taagin ciidanka booliska Soomaaliyeed wuxuu sanadihii 158-1960 ahaa sarkaalka ugu sareeyey ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed ilaa uu la wareegay hoggaanka iyo dhisida markaii ugu horeysay sooyaalka Soomaaliyee ee ebed la dhiso ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Sagaalkii sanadood ee uu janaraal Maxamed Abshir Muuse ahaa taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed wuxuu gaarsiiyey halka ugu sareysa ee ciidan la geyn karo. Wuxuu dhisay tayada iyo sahanka ciidanka. Wuxuu abuuray kala danbeyn iyo xeerar gaar u ah booliska Soomaaliyeed ee lagu kala hago. Waxaa ciidanka booliska soomaaliyeed waayadaas loo agaasimay qaybo kala duwan. Qaybta danbi baarista, qaybta Taakuleynta, Qaybta Taraafikada. Xataa waxay booliiska Soomaaliyeed ahaayeen ilaa ay ka dhacday dowladdii Kacaanka ciidan dalka gudihiisa iyo dalalka shisheeyaba aad looga heebeysto, taas oo ay ugu muteysteen kartidooda, waxqabadkooda, gaar ahaan arrimaha bulshada, la dagaalanka denbiyada iyo qalabkooda.
Xilliyadii uu Janaraal Maxamed Abshir hogaaminayey Booliska wuxuu suurtagaliey in ciidanka Booliska ay tababbaro iyo xirfado isugu jira agab iyo xeeladaha danbi-baarista ka heli jireen dalka Jarmalka oo aad u gacan qaban jiray, sidoo kale dalalka Mareykanka iyo Talyaaniga. Sanadkii ugu horeeyey uu Janaraal Abshir hoggaanka u hayey ciidanka booliska Soomaaliyeed waxay laheeyeen diyaarad gaar ah, weliba nooca loo yaqaanay DC-3 ee waagaas; waxayna boolisku awood u lahaayeen inay gaar dhulka fog ee “lama-gaaraanka ah,” welise taariikhda Soomaaliya horay uma dhicin xataa dowladdii kacaanka ma sameyn. Waxay ciidanka booliska awood u lahaayeen inay gaaraan dhulalka ay rabshadaha ka dhacaan, gaar ahaan deggaanada qabiilada ku dagaalamaan.
Debbaaldegii ballaarnaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdish, laguna xusayey asaaskii ciidanka booliska Soomaaliyeed waxay aheyd in bilad qaran lagu siiyo janaraal Maxamed Abshir Muuse iyo raggii iyo dumarkii kala soo shaqeeyey horumar ciidanka booliska. Waxay aheyd, oo uu weliba Maxamed Abshir ka muteystay dowladda in si gaar ah loogu sharfo, loogu ixtiraamo, xataa lagu martiqaadi Muqdsho, si uu goob joog uga noqdo hawshii lixdkiin sano ee la soo dhaafay ka shaqeynayey.
Maanta Maxamed Abshir Muuse wuxuu isagoo caafimaad qaba ku noolyahay dalka Ameerika, waxaase ayaan daro ah ninkii naftiisa iyo waqtigiisa galiyey horumarinta iyo kobcinta ciidanka booliska Soomaaliyeed in aysan dowladda dalka ka jirta iyo saraakiisha ciidanka Booliska ugu sareeyey inaysan magaciisa sheegin, carrabaabbin, oo aysan xataa xusn. WAA AYAAN DARO aan malaha qabiil iyo reereysi ka marneyn.
Shire Sumba
shiresumba@yahoo.com
————————–
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM