Khilaafka musharixiinta madaxtinimada sannadka 2014 iyo kaallinta Culimada/ Isimida P/L.
Maxamed Cllaahi Maxamud
Ildab20@gmail.com
Diseembar 22 2013
Waxaa baryahan Puntlnad hadal haynta u badan ay ahayd khilaafka siyaasadeed ee salka ku haya cidda xaqa u leh in ay magacowdo xubnaha Guddiga khilaafaadka ee soo xulista baarlamaanka sannadka 2014-20218.
Iyadoo ay si cad u muuqato in Madaxwaynaha talada dalka haatan weli haya Dr. Clraxmaan Maxamed Faroole iyo xubnaha u taagan murashaxnimada xilka madaxtinimada P/L in ay si qotto dheer iskugu khilaafsan yihiin cidda xaqa u leh in ay soo xulaan guddiga xallinta khilaafaadka ayaa waxaa moodaa in meesha ay weli ka maqantahay doorkii Isimada P/L kuwaas oo markasta gacan dheer ku lahaan jiray muddadii burburkii qaranka Soomaaliya jiray khilaafaadkii siyaasadeed ee mar mar ka aloosmi jiray geyiga dadka reer P/L ku dhaqanyihiin.
Haddaba su’aasha markasta dadku iswaydiiyaan waxa weeyaan maxaa sabab u ah in doorkii dhex dhexaadimeed ee lagu yaqaanay Isimada iyo waliba culimada P/L waxa haatan meesha ka saaray weli?
Siyaasiyiinta
Ninka siyaasiga ah ee markasta u hanqal taagaya xilka madaxtinimada waxaa caadiyan ah oo lagu yaqaanaa in uu markasta raaco wadiiqo kasta oo u suura galin karta in uu ku gaaro kursigaas qiimo kasta oo ay ugu kacdo haba u darnaadee midka markaas talada haya waayo waxaa u muuqda raadraacii saldanada. Sidoo kale kuwa damaca siyaasiga ah uu kahayo talada dalka ama xukunku waxaa iyana u sawirma maqaamka kursigu leeyahay iyagoo markaas samaynaya ballan qaad wahmi ah oo aysan awoodi karin in ay fuliyaan haddii talada ay sii hayaan inta cimrigoodu dhanyhay iyagoo ku beer laxowsanaya bulshada markaas ay codka kalsoonida ka filayaan waxqabadyo ka baxsan awoodooda dhaqan iyo midka dhaqaaleba ee muuqda.
P/L waxay ku guulaysatay mudadii ay jirtay in nidaamka madaxtinimo ay madaxdu iskugu wareejiyaan qaab kursi wareejin ah marka laga yimaado kaltankii ugu horeeyay ee Cllaahi Yuusuf Allaha u raxmadee arimuhu si uun u sinbiririxoodeen balse aan filayay in cashar wacan laga bartay mashaqadii koobnayd ee xilligaasi dhacday wixii intaas ka danbeeyay.
Dabcan ninka damaca kursigu ku jiro ma howl yara, sharkiisuna isaga kuma koobnaan doono ee wuxuu camimaa bulshada markaas la isku haysto xumunkeeda isagoo istcimaalaya beerlaxowsi, luuqad qabyaaladaysan iyo galaangal siyaasadaysan oo uu taagareeyaal naf iyo maal u hura ajandayaashiisa uu ku kasbado.
Marka laga yimaado arimahaas aan kor kusoo xusay, waxa meesha ka abdi ah in dadku xushmeeyaan heshiisyada iyo ballaha ka qoran waxa laga yeelayo waxa la wada wadaago si amniga iyo sharcigu u taabo galaan “haddii kale lagu dhimay”. Waa hees daba go’an oo aan ka soo qaatay sadarkaas u danbeeya. Isqabqabsiguna waxa uu dadka iyo dalka dhaxalsiiyaa bur bur iyo kala danbayn la’aan xaakimka iyo maxkuumkuba kuwada khasaari karaan si isleeg.
Isimada iyo Culimada
P/L marka la soo hadal qaado isqab- qabsi maamul khaas ahaan midka madaxtinimada waxaa dadka afkooda ku bata magaca Ismimada iyo waliba kaalintooda kaga aadan arimahaas iyo sida loo xallin karo khilaafkaas iyagoo markaas isticmaalaya saldanadooda Alle siiyay.
Waa awood ay ka kasbadeed bulshadooda dhexdeeda balse haddii ay barxaan ay dhici karto in la waayo. Waa marjac siyaasiinta lagu cabsi gasho P/L haddii talada si ka badalan sidii lagu ballamay ay isku dayaan in ay ku raadshaan. Waa udub u dhexeeya siyaasiyiinta midka mucaaradka ah iyo midka xilka haya, waase suuragal in la tuhmo haddii ay dhaq dhaqaaq samayn waayaan kaga aadan waxa markaas taagan.
Intaas waxaa sii dheer, waxay maamuus iyo magac ku leeyihiin bulshada dhexdeeda marka khilaafaad yimaado iyagoo soo kiciniya awoodooda qarsoon ee ay bulshada ka kasbadeen. Waxa ay wax ku yihiin waa kaalinta adag ee ay kaga jireen dhakada sare ee siyaasadda P/L oo haddii ay dayacaan ay dhici karto in talada dadka iyo dalkaba ay soo wajahdo faragalin khaariji ah sida maalmahan socotay “ Sultan Key”.
Inkastoo P/L ay ka dhinteen rag culimo ah oo kaalin adag kaga jiray masaalixda guud iyo habsami u socodka dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee maamulka P/L 15-kii sano si dadban iyo si toos ahba, haddana weli waxaa saaxada ka muuqda rag wax ku ool ah oo dhihi kara “ war ragga kala dhacsha” . waa hubaal haddii ay isgarabsadaan iyaga iyo Isimadu in dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee maanta P/L hareeyay ee xittaa kuwa xasaradaha ka sheekeeya ay durbaba saadaal xun ka tilmaameen Alle kama dhigee ay reerka meel fiican ku furi doonaan.
Waxay ahaayeen raggii sida habboon talada ugu jeedshay xubnihii baarlamaanka ee la soo doortay 2008-dii in ay si Alla ka cabsi leh ugu doortaan talada dalka cid ka turjumi karta marxaladii xilligaas taagnayd. Sidoo kale Isimada qaarkood qayb ka mid ah waxa ay ahaayeen kuwii sii xasuusiyay madaxwaynaha haatan talada dalka haya Dr Clraxmaan Maxamed Faroole in uu reerka si fiican ugu soo furo xerada xil kala wareejinta iyo qabashada darashooyinka si lamid ah sidii Gen Maxamud Muse Xirsi Cadde ugu soo furay si nabad ah.
Fariimahaas iyo fariimo kale oo bulsho waynta P/L ka soo yeeraya waxa ay xujo lama dhaafaan ah ku tahay Isimada ,Culimada iyo Madaxwaynaha si loo yareeyo isfaham waaga siyaasadeed ee soo kala dhexgalay Musharixiinta iyo Madaxda talada haatan haya ee ku aadan sidii ay u dhici lahayd hannaan talo wadaag oo lagu qabto doorashooyin Baarlamaan iyo Mid Madaxwayne oo loo wada simanyahay. Markastaana talo wadaagu wax ma ba’sho xittaa haddii uu faragalin ku yahay awoodda cid kale.
Madaxwaynaha
Waxaa hubaal ah in ay dhab tahay maahmaahda Soomaaliyeed ee dhahaysa nin xil qaaday eed qaad. Dr Faroole waxaa waajib ku ah in uu aqbalo talo kasto oo furan oo ka imaanaysa bulshawaynta uu madaxda u yahay oo ay ku jiraan kuwa haatan talada damaaciga siyaasadeed kaga jiro ( Musharixiinta).
Madax meel ka sareeya oo la salaaxo ma jirto, isaga ayaa xilku saran yahay Madaxwaynaha in P/L aysan dhibaato kaga iman mushkilad ka dhalata isqab qabsiga siyaasadeed ee maanta ama-amadu kujirto “doorasho ma dhici doontaa mase lagu wada qanci doonaa natiijadeeda haddii ay dhacdo sida labadii ka horeeyay”.
Maxamed Cllaahi Maxamud
Ildab20@gmail.com
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM