Muqdisho[RBC Radio]Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay xukuno ay riday maxkamadda gobolka Banaadiriro,waxaana la sheegay ilaa sagaal kiis oo kala gadisnaa kuwaaso isgu jiray Dil, Dhac iyo Kufsi in maanta la horkeenay maxkamada.
Kiisaskii maanta la hor-geeyay maxkamada ayaa afar Ka mid ah xukun ku ridday, halka afar kale dib loo dhigay, waxaana la cafiyey qof ka mid ahaa eedeysanayaashii maxkamadda la horkeenay, waxaana Maxkamadda ku sugnaa qareeno, ehelada daka eedeysanayaasha ahaa iyo dadka dhibanayaasha ahaa intuba.
Maxamed Xasan Nuur oo ah ku-xigeenka xeer ilaaliyaaha guud ee Qaranka , ayaa sharaxaad ka bixiyay Kiisaska maxkamadda horyaala iyo dadka la soo eedeyey, waxyaabaha lagu tuhmayo.
Dhageysi iyo dood dheer kaddib ayaa guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Xaashi Clmi Nuur, waxa uu faah faahin buuxda ka bixiyey go’aannada ay gaartay maxkamadda.
“Maxkamada kiisas kala duwan ayaa maanta la horkeenay siwanagsan ayaana shaqada u dhacday,iyadoona maanta oo ay taariikhu tahay 21 December 2013 maxkamadda gobolka banaadir ay u fadhiisatay dacwada ciqaabeed loo haystay eedeysanayaal kala duwan, kuwaasi oo ay xeer ilaalinta soo gudbisay dacwadooda, Xuseen Isgow Ina Khadiijo Mustaf 30 jir ah kuna eedeysnaa 400-440, Maxmakaddu waxa ay ku xakuntay 6 sano oo xarig ah iyo lix milyan oo ganaax ah, Maxamed Yuusuf Cabdi Ina Xabiibo Maxamed 26 jir ah, kuna eedeysnaa qodobada 484 burcadnimo ah iyo 440 oo dhaawac ah Maxkamaddu waxa ay ku xakuntay shan sano oo xarig ah iyo shan milyan oo ganaax ah” ayuu guddoomiyaha Maxkamadda hadalkiisa kudaray.
Madaxda maxkamada gobolka Banadair ayaa ku cel celiyey inaysan jiro doonin qof danbiila ah oo si xor ah ku jooga gobolka,waxana ay inta ku dareen inaysan aqbali doonin qofan aadeysano ahaayeen inuu isaga sii jiro cabsiga.