Garoowe (RBC RADIO) Ardayda Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Garoowe ayaa waxaa usoo xirmay Tababar lagu baranayay Cilmi barista iyo kobcinta fikirka Qofka iyadoo tababarkaasi ay siisay Hay’ada Kafaalo oo ka shagaysa Arimaha Waxbarashada Wacyigelinta Bulshada iyo gargaarka degdega ah, waxaana jiray qalab xog raadin ah oo Hay’adu ay ardayda gudoonsiisay si ay ugu hawlgalaan xogahana ugu raadiyaan.
Maxamed Axmed Warsame Madaxa Hay’ada Kafaalo ee Soomaliya ayaa sheegay in talaabooyin muhiim ah ay hay’ada kafaalo horay u qaaday tan iyo markii la yagleelay xoogana ay saarayso arimaha wax barashada iyo gargaarka deg dega ah ayan diyaar u tahay buu yiri in ay u shaqayso jiilka soo koraya si wadanku uu u helo aqoon yahano tiro beel ah oo mustaqbalka wadanka ku haga sinnaan iyo cadaalad.
Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraca Garoowe ayaa dhankiisa ka mahadcelshay Qalabka iyo tababarka ay ku deeqeen hay’ada kafaalo isagoo ku tilmaamay raga ka shaqeeya kuwo wadaniyiin ah wuxuuna booriyay in talaabadan ay noqoto mid kudayasho mudan una baahan in lasii laba jibaaro.
Ardayda Tababarkan qaatay qalabkana la wareegay ayaa dhankooda xusay in Kaalinta ay Cayaartay Hay’adan ay u noqonayso Ardayda Jaamacada Dhiirigelin iyo in ay sii wataan wax barashadooda haystaanna hay’ado aqoonyahano iyo Bulsho ka fikireysa tacliintooda hiilna la garab taagan, waxayna xuseen in ay wax wayn ka kororsadeen tababarkii 2maalin qaatay oo ay siisay hay’ada Kaalo.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe