Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Codka Kalsoonida u Qaadaya Raysal Wasaare C/weli Sheekh Axmed

$
0
0

Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka bilawdo kulan ay yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka dalka kuewaasi oo maanta uu hor iman doono raysal wasaaraha magacaaban C/weli Sheekh Axmed.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah nidaam dhawrayaasha baarlamaanka ayaa goordhow shaaca ka qaaday in kulanka baarlamaanka maanta oo Sabti ah uu furmayo, ayna ka soo qeybgali doonaab dhammaan mudanayaasha ku sugan Muqdisho.

Ajendaha baarlamaanka ayaa ah in marka hore uu baarlamaanka dhageysto khudbad uu jeedin doono raysal wasaaraha cusub si uu uga hadlo barnaamijkiisa waxqabad ka dibna baarlamaanka ayaa gudagali doona cod u qaadista wasiirka koowaad.

Sida uu sheegayo qodobka 69aad ee dastuurka iyo xeer hoosaadyada baarlamaanka, cod u qaadista raysal wasaaraha ayaa noqon doonta cod gacantaag ah. Raysal wasaaraha ayaa ku meemari kara 51% tirada guud ee xildhibaanada.

Warar hoose oo Raxanreeb ay heleyso ayaa sheegaya in rajada uu qabo raysal wasaare C/weli Sheekh Axmed ay tahay mid aad u badan, ka diob markii isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay kulamo gooni gooni ah la qaateen xildhibaanada iyo odayaasha beelaha oo laga codsaday in ay codka ku taageeraan raysal wasaaraha iyadoo beelaha loo ballanqaadayo jagooyin inay ka heli doonaan xukuumadda cusub.

Si kastaba maanta ayaa la filayaa in raysal wasaaruhu uu ka gudbo codka kalsoonida ee baarlamaanka, waxaana markaasi raysal wasaare C/weli laga sugayaa inuu xilka kala wareego raysal wasaarihii ka horeeyay ka dibna uu soo dhiso gole wasiiro oo cusub.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles